Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all 8033 articles
Browse latest View live

Howlgallo ammaanka lugu xaqiijinayo oo laga sameeyey Kismaayo

$
0
0
Magaaladda Kismaayo

Magaaladda Kismaayo

Kismaayo[RBC Radio]Ciidamada Booliska ee maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa maal mihii ugu danbeeyey howlgallo ka-sameeyey magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladan ayaa ahaa kuwo lugu doonayey in lugu xaqiijiyo ammaanka magaaladda Kismaayo,inkasto usan maamulka sheegin khatar ay xiligaan ka hortagayaan.

Taliska Booliska Kismaayo ayaa si cadd u sheegey inay wadayaan howlgalladooda tan iyo inta laga gaarayo muddo aysan carabaabin oo ay sheegen inay horey ugu qorsheeyen.

Taliyaha Booliska magaaladda Kismaayo Maxamed Cabdi Buule ayaa ka warbixiyey howlgalladan ay wadaan iyagoo kaa shanaya ciidamada AMISOM ee guddaha Kismaayo jooga,waxana uu sheegey in ay soo qab qabteen dad ay ku tuhmayaan falal ammaanka wax yeelen kara.

…”"”Ciidamadeno oo ay la socdan ciidamada AMISOM ayaa maal mahan wadey howlgalladan waxana uu ujeedkisu yahay inan xaqiijino ammaanka Kismaayo kana hortagno cid kasta oo isku dayeesa inay amniga wax yeeleyso….”‘”ayuu yiri taliyuhu.

Maxamed Cabdi Buule taliyaha ciidanka Booliska Kismaayo waxaa uu ka faah-faahin ka bixiyey ammaanka magaaladda Kismaayo,waxana uu ku sheegey in amniga magaaladda ay si weyne usugeen ayna ka hortageen khatarkasta oo wax u dhimi karta ammaanka guud ee magaaladda.

…”‘”Har iyo habeen ciidamadenu waxaa ay ka shaqeeyan ammaanka,waxana marwalba ay u taagan yihiin inay sugaan ammaanka Kismaayo wana tan xiligaan ka dhigtey in magaaladda xasi looni buxda ay ka hirgasho…”"”"ayuu ku yiri hadalkiisa taliyaha Booliska Kismaayo Maxamed Cabdi Buule.

Si kasta oo ay noqotaba muddadan danbe waxaa daganed xaaladda magaaladda xeebta ku taala ee Kismaayo,kadib dagaalo bilo ka hor guddaha magaaladda ka dhacay.

____________-
RBC Radio
Kismaayo

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Tacsi: Axmed Jaamac Ismaaciil (Kilwe)

$
0
0

tacsi1Madaxa Shabakada Wararka Raxanreeb.com Faarax Axmed Caato iyo dhamaan Halwadeenada Shabakada Warbaahinta Raxanreeb.com waxay tacsi tiiraanyo badan leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Axmed Jaamac Ismaaciil (Kilwe) oo taariikhdu markey ay aheyd 30da Bisha Agoosto 2013 ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka.

Waxaanu Rabi uga baryeeynaa in uu Janaddii Fordowso geeyo Alle ha u naxariisto marxuum Axmed Jaamac Ismaaciil (Kilwe), samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

AAMIN AAMIIN AAMIIN

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh “Wanu ka xunnahay xiriirka ay Puntland u jartey DFS,Puntland waxay saldhigg u ahayd hanaanki lugu soo dhisay dowladda hadda jirta”[Warbixin]

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si cadd uga haddley hadal dhawaan ka soo baxay dowladda Puntland kasoo ku aadana in xiriirkii wada shaqeeney ay si KMG-ah ugu jartey DFS,waxana uu sheegey inaysan farxad galin hadalkaa markii ay maqleen.

Madaxweyne Xassan ayaa hadalkaan ka sheegey maantey xili uu ka hadley warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Xassan Sheekh Maxamuud waxaa uu tilmaamey in qorshahooda xiligaan uu yahay sidii ay wada-hadallo ula yeelan lahaayen Puntland si loo so afjaro khilafka xiligaan dhexyaala labada dhinac,kaso sababey in Puntland ay jarto xiriirkii ay la lahayd .

Madaxweynuhu waxaa uu Puntland ku amaaney hanaankii ay horseedka u ahayd ee lugu soo dhisey xukuumada xiligaan jirta,isagoona tilmaamey in Puntland ay saldhig u ahayd tiirarkii lagu soo dhisay dowladda hadda jirta ee uu isagu hoggaamiyo.

…”"”Puntland waxay saldhigg u ahaayd tiirarkii lagu soo dhisay dowladda hadda jirta waxaa sidoo kale xusid mudan in Puntland ay dadaal ku bixisey in lasoo dhiso dowladda,waxana ka xunnahay hadalka kasoo baxay masuuliyinta Puntland ee ay xiriirka ugu jareen dowladda,waxana sidoo kale ka xunnahay oo an garaneen sababta hadalkaas ka keentay,balse waxan wadna dadaal ku aadan sidii looso af-jari laha waxa ay tabaneyso Puntland…”"‘ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale soo hadal qaadey in iyagoo mujinaya inay raali ka yiihiin Puntland ay gaaren Garoowe masuuliyinta ugu sareysa xukuumadisa oo ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo R/wasaaraha,waxana uu intaa ku darey in ay bani’aadamyihiin ayna sixii doonan wax kasta oo xiligaan khaldan.

Xukuumada Puntland

Xukuumada Puntland

…”‘”"Waxaan nahay dad bini’aadam ah waxana iman kara khalad balse waxan isku dayeena inan daweyno waxkasta oo khilaf dhex dhigi kara Puntland iyo dowladda,waxana furi doona wada-hadall lugu doonayo in lugu saaro mad madowga jira,markastana wanu ka xunahay hadalka ku aadan in Puntland ay xiriirka ujarto dowladda…”"”ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa kusoo qadey madaxweynuhu sida ay daruuri utahay in la dhameeyo khilafkasta  dhexyaala Puntland iyoo dowladda,isagoona intaa ku darey inay bilaabayan waddo kasta oo lugu xalinkaro waxa Puntland sababey inay go’aanka garto.

Madaxweynuhu waxaa uu tilmaamey inay wada-hadall bilabayan markii ay ogaadan waxaa Puntland ka yeersiyey inay xiriirka u jarto dowladda.

…”"”Waxaan wax walba bilabi doona markii anu xaqiijino waxa keeney in Puntland uu mowqifkeedu noqdo inay xiriirka u jartey DFS,waxana qaadena wax kasta oo talaabada lugu soo afmeeri karo…”‘”ayuu yiri madaxweyne Xassan.

Hadalka madaxweyne Xassan Sheekh ayaa yimid kadib marki dhawaan Puntland ay si cadd u sheegtey inay hakisey xiriir wada shaqeened ee ay la lahayd dowladda faderaalka Soomaaliya.

Waxaa ay Puntland marar badan ku cel celisey inaysan dowladda faderaalka iyo madaxda hoggaaminaysa kasoo bixin waa jibadkii loo igmadey,waxana jirta in xata Puntland ay sheegtey inay dowladda ka caga jiidey arrimo badan oo lugu gaari karo horumarka dalka.

Puntland waxaa ay si weyn ugu dhaliishey xukuumada xiligaan jirta inay fara galin bahsan ku heyso dastuurkii dalka uyaaley kaaso wax ka badal ay sheegtey Puntland in dowladda ay ku sameeysey.

Inkasto hadalkaan kasoo yeerey dowladda ay sur- galin karto in waxbadan uu ka badalo muwqifka dowladda Puntland ay ka gartey dowladda faderaalka,maadama xiligaan ay si cadd u sheegtey dowladda inay sixi doonto wax kasto oo ay tabaneyso Puntland.

_______________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Cabdiweli Gaas”Heshiiskii Addis Ababa waxuu albaabbada u furaya maamullada doonaya inay dhismaan”

$
0
0
Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)

Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)

Addis Ababa[RBC Radio]R/wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)ayaa markii ugu horeysey waxaa uu si faah-faahsan uga hadley heshiiskii dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee horey loo oranjirey Jubbaland ay ku gaaren magaalada Addis Ababa.

Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) waxaa uu shirkaasi ku tilmaamey inuu ahaa mid wax tar u ahaa ummada Soomaaliyed jidkana usii xaaraya in dalka ay ka dhismaan maamulo kale sida uu dhigayo dastuurka dalka uyaala,waxana uu dastuurku faraya in labadii gobollba ay noqon karaan maamul gobolleed hoos yimaada dowladda dhexe ee dalka Soomaaliya.

Gaas waxaa uu si cadd u sheegey inuu dhiniciisa taageersan yahay in wada-hadallkii dhexmarey dowladda iyo maamulka Jubbaland ee hadda la yirahdo Jubba,in dhinac yadii wada hadashey ay kuwada qan ceen qoddobadi kasoo baxay shirkooda.

…”"”Waxaa soo dhawenaya wada-hadallkii ay kuwada qanceen dhinacyaddi ku wada-hadlleysey Addis Ababa,waxana taageeraya in la soo afjaro khilaf u dhaxeeyey dhinacyadda Soomaalida,marwalbana waxan ku talinaya in wada-hadall lugu dhameeyo is-fahan wax kasto oo dhinacyo Soomaali ah dhex yimaada…”"‘ayuu yiri Gaas.

sidoo kale waxaa uu sheegey Cabdiweli Gaas heshiiskaasi uu ka dhigayo mid hami soo galiya maamulada kale ee qorsheenayey inay dalka ka dhismaan iyagoo ku dhiiranaya sida uu tilmaamey Gaas in wax walba lugu dhameen doono is-fahan ka yimaada dhanka dowladda.

…”"”Waxaa jira maamulo kale oo raba inay ka dhismaan dalka,waxana ay dhowrayeen sida uu ku soo dhamaado shirkii ka socdey Addis Ababa,maadama hadda uu ku soo dhamaadey is-fahan waxaa ay ka dhigeysa in maamulada kale ee rebey inay dhismaan inay sii an baqaadan howllahoodo dhismo…”"”ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Heshiiskii ay gaaren DFS iyo Jubba,oo la sheegey inuu jidka u xaarayo maamulada kale

Heshiiskii ay gaaren DFS iyo Jubba,oo la sheegey inuu jidka u xaarayo maamulada kale

Gaas waxaa uu sheegey inay muhiim tahay in Soomaaliya laga hirgaliyo nidaam sura galiya in dalka xasilooni dhab ah laga gaaro dhibaatadda ka jirta goob kasta oo dalka ku taala.

Ugu danbeyntii waxaa uu ugu baaqeyb Cabdiweli Gaas dhinacyadi Arbacadii ano kasoo gudubney wada-hadallku ugu soo dhamaadey Addis Ababa inay ka dhabeeyan heshiiskii ay soo garen hir galiyaana qoddobadii ay isla meel dhigeen.

Si kasta oo ay noqotaba waxaa heshiiski Addis ay dowladda kula soo gashey maamulka KMG ah ee Jubba soo dhaweeyey dhinacyo kala gadisan oo Soomaalida iyo caalamkaba ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna xili uu maantey ka hadley heshiiskii Addis Ababa waxaa uu tilmaamey inuu ahaa mid ay kasoo baxen qoddobo muhiim u noqdey dhinacyada Soomaalida.

_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Midowga Afrika oo magaaladda Kampala tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya

$
0
0

astaanta unKampala{RBC Radio} Midowga Afrika ayaa maanta xarunta wadanka Ugaandha ee magaaladda Kampala ugu soo xiray tababar ay casharro ku qaadanayeen  saraakiil ka tirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya ,waxayna casharo ku soo qaateen  hormarinta, is fahanka iyo u adeecsanaanta sharciyadda caalamiga ah ee lagu ilaaliyo xuquuqdda aadanaha.

Tababarkan maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Kampala ayaa waxaa loo soo gunaanaday ku dhowaad lixdan sarkaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, waxana tababarka fududeeynayay qeybta Qaramada Midoobe xaquuqul-insaanka u qaabilsan ee UNSOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee xaquuqul Insaanka.

Tababarka ayaa billowday 20-kii bishan waxaana saraakiisha ka qaybgashay tababarka casharro lagu siiyay dhowrista dadka rayidka ah,sharciyadda lagu dhaqmo waqtiyadda ay colaadu jirto iyo dhowrista maxaabiista lagu qabto dagaallada, iyo arimo kale.

Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya Maxamad Salax Annadif ayaa u mahad celiyay qeybta arrimaha siyaasadda ee guddiga Midowga Afrika kaa soo maalgeliyay tababarka maanta usoo idlaaday saraakiil ka tirsan ccdamadda dowladda Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa dhanka kale u mahad celiyay dowlada wadanka Ugaand oo marti gelisay tababarka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Musharax Cali Cabdi Awaare oo Qardho Lagu Soo Dhaweeyay [Sawiro]

$
0
0

Awaare (1)Qardho[RBC Radio] Waxaa maanta magaalada Qardho soo gaaray Musharax Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Maamulka Goboleedka Puntland,waxana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay qeybaha Bulshada ku dhaqan magaalada Qardho,iyadoo looga hortagay meel ka baxsan magaalada,kadibna waxaa loo soo galbiyey hotel Embeye oo la dajiyey Musharaxa.

Markii uu soo gaaray Magaalada ayaa waxa uu la hadlay dadweynihii soo dhaweeyey waxa uuna sheegay in uu aad u rajeenayo in uu ku soo baxo doorashooyinka la filayo in ay dhacaan 8 January 2014ka.

Sidoo kale Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay in uu marayo dhammaan degmooyinka iyo tuulyinka Puntlan si uu gaarsiiyo Olalihiisa Musharaxnimo,waxaana la filayaa inta uu ku suganyahay Magaalada Qardho in uu kulamo la yeesho Odayaasha iyo waxgaradka magalada Qardho.

Dadkii maanta ka qeybgalay soo dhaweynta Musharax Cali Cabdi Awaare ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in uu is ku soo taago xilka Madaxtinimada Maamul Goboleedka Puntland,waxa ayna sheegeen in ay taageero u hayaan Musharaxa.

Waa musharixii ugu horeeyey ee soo gaara magaalada Qardho tan iyo wixii ka danbeeyey markii la hakiyey doorashooyinkii Goloyaasha Deegaanka,waxaana la filayaa in magaalada Qardho ay soo gaaraan Musharixiin kale.

Awaare (2) Awaare (3) Awaare (4) Awaare (5) Awaare_oo_Qardho_lagu soo dhaweeyey. (6)

Use Facebook to Comment on this Post

Share

[VIDEO]Maamulka gobolka Mudug oo agab xafiised ugu deeqey ururka dhalinyarada degmada Xarfo

$
0
0
Guddoomiyaha g.Mudug oo agab xafiised guddonsiyey Ururka dhalinyarada Xarfo

Guddoomiyaha g.Mudug oo agab xafiised guddonsiyey Ururka dhalinyarada Xarfo

Gaalkacyo[RBC Radio]Wafti uu hor-kacayo guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)ayaa garey degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Socdaalka waftiga guddoomiye Tigey ee degmada Xarfo ayaa quseeyey sidii uu wax uga ogan lahaa xaaladda ka jirta degmada Xarfo,waxana guddoomiyaha iyo waftigii la socdey si diiran loogu soo dhaweeyey afaafka hore ee degmada Xafro halkaaso oo ay uga hortageen masuuliyinta degmada oo uu hor-kacayo guddoomiyaha Xarfo iyo dadweyne kale.

Maxamed Yuusuf Jaamac guddoomiyaha gobolka Mudug waxaa uu kulan la qaatey xiligii uu gaarey degmada Xafro maamulka degmada iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan Xarfo,waxana uu kala hadley intii uu kulan kooda socdey xaaladda ka jirta degmada iyo horumarka degmada ay ka gartey muddoyinkii danbe wax yaalaha aasasiga uu ah bulshada sida waxbarashada,caafimaadka iyo horumarka guud.

Guddoomiyaha gobolka Mudug waxaa sidoo kale uu qalab xafiised guddon siiyey ururka dhalinyarada degmada Xarfo.

Munaasabad koobon oo loo qabtey waftiga guddoomiyaha gobolka Mudug,ayaa waxaa hadal soo dhaweyn ah ka jeediyey guddoomiyaha degmada Xarfo Cabdulaahi Faarax Bayle,waxana uu hadalkiisa kusoo dhaweeyey waftiga guddoomiyaha.

Cabdulaahi Faarax Bayle guddoomiyaha degmada Xarfo waxaa uu inta ku darey in ujeedka imaatin ee ay waftigaan degmada u yimaaden ay tahay sidii  uu guddoomiyaha gobolka Mudug u guddoonsinlaha agab xafiised loogu tala galey ururka dhalinyarada Xarfo.

Sidoo kale waxaa isna hadal munaasabada ka jeediyey guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)waxana uu kula dar daarmey dhalinyarada degmada Xarfo inay ka shaqeeyan horumarka deegaanka.

Ugu danbeyntii waxaa uu guddoomiyuhu ugu baaqey dhalinyarada degmada Xarfo inay isku dubni ayna kuwada shaqeeyn sidii degmada ay ugaari laheed horumar muqda.

Horey maamulka gobolka Mudug waxaa ay agab xafiides guddoonsiyen ururada dhalinyarada ee ka dhisan degmooyinka gobolka Mudug.

Hoos ka daawo muqaal ay Raxanreeb.com idin kaga diyaarisey safarka guddoomiyaha uu ku tagey degmada Xarfo.

_______________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

R/wasaare Saacid oo gaaray magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sucuudiga

$
0
0

saacidJiddah{RBC Radio} R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jiddah ee boqortooyada  dalka Sucuudiya Carabiya,R/wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa Sucuudiga ku wehlinaya xubno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

R/wasaaraha ayaa waxaa si diiran gagida diyaaradaha magaalada Riyaad ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka socotay dowladda boqortooyada Sucuudiga iyo masuuliyiinta Safaarada Soomaalida ee dalkaas,waxaana waftiga loo galbiyey aqalka martida ee magaalada Jiddah.

Safarka R/wasaaraha ayaa la sheegay inuu la xiriiro gudashada Acmaasha diiniga ah ee Cumrada,waxaana lagu wadaa in marka uu soo gabagabeeyey Cumrada uu ku joogo dalkaas  inuu kulamo la qaato madax sare oo ka tirsan dowladda dalka Boqortooyada Sucuudiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas.

R/wasaaraha Cabdi Faarax Shiirdoon saacid ayaa la filayaa inuu masuuliyiinta Boqortooyada Sucuudiga kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii xukuumadda Riyaad ay kaalin libaax leh uga qaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya,Sucuudiga ayaa ka mid ah wadamada Carbeed ee Saamaynta ku leh Siyaasadda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Madaxweyne Xasan SH oo ku dhawaaqay in horaanta bisha soo socota Muqdisho lagu qabanayo shir weyne looga arinsanayo aayaha Soomaaliya

$
0
0

xasaan shiikhMuqdisho{RBC Radio} Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane  Xasan SHeekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in horaanta bisha soo socota ee Sep. magaalada Muqdishon ee caasimadda Soomaaliya lagu qabanayo shir weyne Qaran oo looga arinsanayo aayaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa tilmaamay in shirkaas lagu casuumay Labo boqol oo ruux kuwaas oo ka kala imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda,wuxuuna sheegay in shirkaas uu Muqdisho ka furmayo 2da bisha soo aaddan ee Sep.,madaxweynaha ayaa xusay iney shirka looga wada tashan doono Mustaqbalka Siyaasadeed ee dalkeenna Soomaaliya.

Xasan SH Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay iney aaminsan yihiin in shirkaasi uu  wax weyn ka bedeli doono siyaasadaha Murugsan ee dalka,madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirkaas ay ka soo bixi doonaan go’aano wax ku ool ah oo u caga dhiga Siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa dhanka kale baaq u diray dadka dhaliilsan Siyaasadda dowladda uu hogaaminayo,wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dacaayadaha aan salka lahayn,Xasan SH ayaa xusay in dowladiisu ay diyaar u tahay iney la fariisato cid walba oo dhaliilsan shakhsi ahaantiisa iyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iney u guntadaan sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada dabada dheeraatay ee uu kusoo jiray 23kii sano ee u danbeeyey.

 

 

 

 RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Masuuliyiin ka socda dowladda federaalka oo gaaray gobolka Shabeelaha hoose

$
0
0

raxSH/hoose{RBC Radio} Masuuliyiinta ka socota dowladda federaalka Soomaaliya ee gaaray deegaanka Lambar 50 ee gobolka SHabeelaha hoose ayaa ka kooban masuuliyiin ka tirsan wasaaradaha Gaashaandhigga iyo arimaha gudaha,saraakiil ciidan iyo xildhibaano,masuuliyiinta ayaa wada hadallo halkaa kula leh masuuliyiinta maamulka  iyo waxgaradka  deegaanka.

Waftiga dowladda oo gaaray gobolkaasi  SHabeelaha hoose xalay habeenimadii ayaa waxa ay sheegayaa wararka aan ka heleyno deegaanka Lambar 50 iney halkaa u tageen sidii ay u qaadi lahaayeen Isbaarooyin yaalla deegaankaas kuwaas oo ay dhigteen Maleyshiyaad qaab qabiil u abaabulan xiriirne la leh maamulka deegaankaas.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno  deegaanka Lambar 50 ayaa sheegaya in maamulka deegaankaas uu ku gacan sayray tallaabada  ay waftiga gaaray halkaa ku doonayeen iney ku qaadaan Isbaarooyinka yaalla deegaankaas kadibne ay goobahaas ku wareejiyaan ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya.

Kulankii labada dhinac ayaa waxaa hareeyey muran iyo buuq ka dhashay is fahan waa ku saabsan qaadista Jidgooyooyinka u yaalla  ciidamo u abaabulan Maleyshiyo beeleed oo hoostaga masuuliyiinta maamulka deegaankaas,ma jirto cid ka tirsan labada dhinac oo wax faah faahin ah ka bixisay  khilaafka la sheegayo inuu ka dhashay qaabka loo qaadayo Isbaarooyinka  daadsandeegaankaas oo ay dhibaato fara badan ku qabeen shacabka ku nool Shabeelaha hoose iyo kuwa ku safra wadada Xiriirisa gobolada Banaadir iyo Baay.

Waftiga ayaa la sheegayaa iney xalay goor danbe gaareen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha magaaladaasi Maxamed Cismaan Yariisow oo sheegay iney maanta kulamo la qaadanayaan waftiga ka socda dowladda ee gaaray gobolkaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku hawlan hirgalinta amar kasoo baxay madaxweyanah dalka kaasoo gabi ahaanba  lagu mamnuucay Isbaarooyinka,dowladda ayaa hore ugu guuleysatay iney Muqdisho ka nadiifiso Isbaarooyinkii yaallay waxayna xiligan u jeesatay gobolada kale ee dalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Puntland oo dhawaan laga furi doono xafiis u gaar ah xuquuqda aadanaha[Sawirro]

$
0
0

1

Garoowe[RBC Radio]Dowladda Puntland ayaa si cadd u sheegtey inay doonayan wax ka qabashada xuquuqda aadanaha,waxana la sheegey in xiligaan dhowrista xuquuqda aadanaha ay ka dagsan tahay qorshayaal badan.

Hadalkaan waxaa uu yimid kadib markii magaaladda Garoowe ee caasumada Puntland uu soo garey khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya Shamsul Bari.

Shamsul Bari ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaaladda Garoowe waxana uu kulan la qaatey guddoonka baarlamaanka iyo wasiiradda ka tirsan dowladda Puntland oo ay kawada hadleen arrimo dhoor ah.

Kulamada ay yeeshen masuuliyinta Puntland iyo khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya Shamsul Bari ayaa la tilmamey in diirada lugu saarey sidii loo ilaalin lahaa xuquuqul Inskaanka.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa saxaafada lahadley kulamadooda ka dib waxana uu sheegey in khabiirka ay u gudbiyeen waxyaabaha ay dowladda Puntland ugu talagalay xuquuqda aadanaha,waxana uu sheegey guddoomiyuhu inu ku qancey warbixintooda iyo qorshayaasha ay sheegen inay xiligaan ka dajiyeen xuquuqda aadanaha.

Guddoomiyuhu waxaa uu si cadd u sheegey in dhawaan Puntland laga furi doono xafiis u gaar ah xuquuqda aadanaha,kaaso wax looga qabanayo wax yaalaha lidiga ku ah xuquuqda aadanaha.

Ugu danbeenti Cabdirashiid Maxamed Xirsi guddoomiyaha baarlamaanka Puntland waxaa uu xusey in Shamsul Bari uu yahay saaxibka Puntland ayna soo dhawenayan markasta dadaalka uu ugu jiro in la dhowro xuquuqda aadanaha.

Dhinaca kale waxaa isna Puntland uga mahadceliyey qorshayaasha cadd ee kaga dagan inay dhowrto xuquuqda aadanaha Shamsul Bari.

Horey waxaa uu usoo marey khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya Shamsul Bari magaaladda Muqdisho halkaaso uu kulamo kula soo qatey masuuliyin iyo qeybaha bulshada.

3

 

2

4

 

6

1

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Maamulka ahlu sunna oo faah faahin ka bixiyey tallaabadii ay ciidankooda ugu wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya

$
0
0

ahlusunaDhuusamareeb{RBC Radio} Masuuliyiinta maamulka ahlu sunna waljamaaca ayaa faah faahin ka bixiyey tallaabadii ay dhammaan ciidamadooda ugu wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya,gudoomiyaha Saddexda gole ee ahlu sunna waljamaaca SH Ibraahim Xasan Guureeye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arintaasi ay la xiriirto dhaqan gelinta heshiiskii ay wada gaareen dowladda federaalka iyo maamulka ahlu sunna bilowgii sanadkan.

SH Ibraahim Xasan Guureeye ayaa sheegay iney si buuxda ciidankii ahlu sunna ugu wareejiyeen wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay iney ballan qaaday bixinta Mushaharaadkooda iyo daryeelka  kale ee ay u baahan yihiin ciidanku.

Gudoomiyaha golayaasha ahlu sunna ayaa tibaaxay in ciidanka ahlu sunna ay hoostagi doonaan Qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dib u hawlgalinteedu ay xiligan ka socoto gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,wuxuuna xusay in ciidankaasi uu ka xil wareegay maamulka ahlu sunna waljamaaca.

SH Ibraahim Xasan Guureeye ayaa tilmaamay in culima udiinka ahlu sunna ay si weyn u taageersan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale soo hadal qaaday shir ay ku baaqday dowladda Soomaaliya oo 7da bishan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lagu casuumay culima udiinka  Soomaaliyeed.

Shirkaas oo ajandihiisu yahay ka wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed hagardaamooyinka alshabaab sida uu hadalka u dhigay SH Guureeye ayaa wuxuu tilmaamay iney shirkaas dhaliilsan yihiin kadib markii sida uu sheegay ay dowladdu xaqirtay oo ahlu sunna ay ka casuuntay 20 ruux oo kaliya.

SH Ibraahim  ayaa sheegay iney mudan yihiin in ergo intaa  ka badan shirka laga siiyo maadaam ay ummadda Soomaaliyeed intooda badan ahlu sunna yihiin iyagune ay yihiin culimadii ummadda  sida uu hadalka u yiri.

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Qaramada Midoobey oo xafiis cusub ka furaneysa magaaladda Kismaayo

$
0
0
Nicholas Kay ergeyga gaar ka ah ee Qaramada Modoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya

Nicholas Kay ergeyga gaar ka ah ee Qaramada Modoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya

Muqdisho[RBC Radio]War kasoo baxay QM ayaa lugu sheegey in dhawaan magaaladda Kismaayo ee saldhigga uu ah maamulka Jubba laga furi doono xafiis ay yeelan doonan kasoo loogu adeegayo shacabka gobolladaa.

Hadalkaan waxaa sheegey ergeyga gaar ka ah ee Qaramada Modoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay,waxana uu sheegey inay xiligaan qorsheenayan sidii ay howlahooda shaqo ugu bilaabi lahaayen magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Nicholas Kay waxaa uu tilmaamey inay doonayan sidii adeegoda shaqo ay u garsin lahaayen shacabka ku dhaqan gobollada Jubbada Hoose Jubbada Dhexe iyo Gedo,ayna u caawiyaan dadka deegaanada ku dhaqan.

Mr.Kay waxaa uu intaa ku darey inay dadaal ugu jiraan sidii ay gacan usiin lahaayen dadka gobollada ku nool.

…”"”Qorshaha xiligaan ee nooga aadan gobollada Jubbada Hoose Jubbada Dhexe iyo Gado waxaa uu yahay inan gacan siino dadka goobaha jooga,waxana xafiis gaar ah ka furi doona magaaladda Kismaayo dhawaan halkaaso anuu ka bilaabi doono adegyadeena gacan qabasho…”‘”ayuu yiri Nicholas Kay.

Nicholas Kay waxaa uu sidoo kale faah-faahin ka bixiyey waxa uu qabanayo xafiiskooda ay ka furayaan Kismaayo,waxana uu arrinta ka sheegey inay qabanayaan sidii horumarka looga shaqeyn laha gacana laga siin laha dadka gobollada adeegyada aasasiga ah iyo ka shaqeynta xaquuqda aadanaha iyo dhowristeeda.

Si kasta oo ay noqotaba magaaladda Kismaayo oo ay xiligaan sheegtey QM inay wax ka qaban doonto arrimaha bini’aadanimo ee ka jira ayaa la sheega in ay xiligaan baahiyo badan oo dhanka shacabka ah ay ka jirto,maaadama sida la sheego Kismaayo ay ka mid tahay goobaha ay ka dhaceen dagaaladii guddaha Soomaaliya ka dhacay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

____________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Waxgaradka iyo Malaaqyada gobolka Baay oo maantey Banaan-baxyo ay dhigeen ku sheegay in ay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya

$
0
0
Banaan-baxyo   maantey ka dhacay Baydhabo  dhacay

Banaan-baxyo maantey ka dhacay Baydhabo dhacay

Baydhabo[RBC Radio]Magaaladda Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay waxaa goor dhawed soo gaba gaboobey banaan-baxyo looga soo horjeedey heshiis ay dhawaan dowladda faderaalka Soomaaliya la gashey maamulka Jubba ee u hoggaamiye Axmed Madoobe.

Dibad baxyadaan waxaa soo abaabuley qaar kamid ah malaaqyada gobalka Baay iyo Shacabka Degmada Baydhabo,waxana ay ku gafwareegayen goobaha muhiimka ah ee Baydhabo iyagoona ku dhawaaqayey erayo ay uga soo horjeedan dowladda faderaalka Soomaaliyed.

Ujeedada banaan-baxyo oo saakay bilowdey ayaa ahaa in waxgaradka iyo shacabka ku dhaqan Baydhabo ay kasoo hor-jeedan heshiiskii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Adi-Ababa ee xaruunta dalka Ethopia.

Waxgaradka iyo Malaaqyada gobolka Baay ee banaan-baxyo dhigayey ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya, waxayna intaas ku dareen in uusan masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya iman karin gobollada Bay iyo Bakool.

Mid ka mid ah malaaqyadii lahaa qaban qaabada isu soo baxaan oo lugu magacaabo Cali shiine afhayeena uu ahaa guddi kasoo hor jestey heshiiska DFS iyo maamulka Jubba oo Baydhabo ku shiray ayaa si cadd waxaa uu u sheegey inay ka soo hor jeedan is-fahankii laga gaarey khilaafki dhexyaaley maamulka Jubba ee horey loo oran jirey Jubbaland iyo dowladda faderaalka Soomaaliya.

…”””Waxan u aragna maamulka Jubba ee dowladda ay la heshiisey inuu yahay mid ismagacaabey dowladduna ay la saaxibtey,anugu haddan nahay gobollada Baay iyo Bakool ma aqbali doono talaabada ay dowladda qadey,waxana u sheegena in masuul katirsan usan imaan karin gobollada…”"‘ayu yiri malaaq Cali shiine .

Sidoo kale malaaq Cali shiine waxaa uu hadakiisa kusoo qadey inay ka tashan doonan aayahooda ayna qaban donan shir loo qabanayo waxgaradka gobollada koonfurta dalka,waxana uu ugu baaqey waxgaradka gobollada inay ka soo qeyb galan shirka.

Sidoo kale odayaasha beelaha Digil Iyo Mirifle ayaa ku doodaya in qeyb kamid ah dhulka ay ka dagaan Jubbooyinka loo gacan geliyay maamulka Jubba waa sida ay hadalka u dhigeene,taasina ay ku tilmaameen mid aysan aqbaleyn.

Si kasto ay noqotaba shirkii toddobad ka hor kusoo dhamaadey magaaladda Addis Ababa ee lugu soo af-meerey khilaf dhexyaaley maamulka Jubbaland iyo DFS ayaa dhinacyadii ka hadley waxaa ay usoo dhaweeyen si isku mid ah,waxana shirka lugu tilmaamey inuu ahaa mid muhiimad weyn ugu fadhiyey shacabka Soomaaliyed.

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen: Generaal C/Samad ha xoreeyo Laascaanood.

$
0
0

 123

Garoowe (RBC RADIO) Xildhibaan Aaadan Xaaji Xuseen oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay Magaalada Garoowe wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo sida Magaalada Taleex loogu soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Generaal C/Samad cali Shire isagoo booqasho taariikhi ah ku tilmaamay kormeerka Madaxweynaha ayna tahay mid taageero mudan,wuxuuse Xildhibaanku codsaday in Madaxweyne ku xigeenku uu ka qayb qaato xoraynta Magaalada Laascaanood oo hada gacanta ugu jirta Maamulka S-Land.

 

“ Taleex waxaa ka socda Shir beeleed aan cidina lagu dhibayn dhalinyarada kasoo kicitimay Boocame ee Taleex weerarka ku ah waxaan leeyahay ka qayb qaata himilada lagu soo celinayo Dhulka ka maqan Puntland ma doonayno dhiig daata ma doonayno dagaal sokeeye waxaan rabnaa inaan xorayno dad mudo gacanta lagu haystay yeynaan inaga is khilaafin hiil iyo hoona waan la garab taagan nahay, sidaana waxaa yiri Xildhibaan Aadan.

 

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay xiligan in aysan ku haboonayn in dagaal ahli ah uu ka dhex dhasho beesha Dhulbahante sida uu hadalka u dhigay isagoo ku baaqay in loo midoobo dib usoo celinta Deegaanada maqan tagista Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Degmada taleex ayuu sheegay in ay ka xun yihiin dad badan oo siyaasiyiin ah kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo aan dan u hayn Beesha dantoodana ka hormariyay Tii caamka ahayd wuxuuna booriyay ka shaqaynta nabada iyo sugida Amniga.

 

Hadalkan Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo Ciidan aan la ogayn cida ay ka amar qaataan ay isku aruursanayaan Deegaanka Boocame lana sheegay in ay ku wajahan yihiin Magaalada Taleex oo uu ku sugan yahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Halkaasi hawlo shaqo iyo shirarba u jooga.

RBC RADIO.

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Reysul wasaaraha Soomaaliya oo kulamo la yeelan doona maanta Wasiirka arimah dibadda iyo kan gudaha ee wadanka Sucuudi Carabiya

$
0
0

Shirdoon-Sacuudiga-374x300Jidda{RBC Radio} Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo maanta gaaray magaalada jidda ee caasimadda dalka Sucuudi Carabiya  ayaa waqtiyada soo socda lafilayaa in  uu kulamo la qaato wasiirada arrimaha dibadda iyo gudaha ee dalka Sucuudi Carabiya.

Afhayeenka xukummadda federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in raysul wasaare Saacid uu kala hadli doono masuuliyiinta uu kulmada la qaadan daano sidii kor loogu qaadi  lahaa taageerada dowladda dalka Sacuudi carabiya ay u fidiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in raysul wasaaraha Soomaaliya uu casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Sucuudiga, wuxuuna sheegay in uu raysul wasaaruhu uu u bandhigi doono madaxda uu kulamadda laqaadanayo horumarka nabadeed iyo kan siyaasadeed ee laga gaaray wadanka Soomaaliya

Raysul wasaarrah Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa dhanka kale lagu wadaa  in uu caawa kulamo la yeesho  jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Sucuudiga, waxaana la filayaa in uu kala hadlo dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii ay dalka dib ugu noqon lahaayeen wadankooda Hooyo.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo sheegtey in Puntland laga heley kiisas muujinaya xanuunnka dabeysha

$
0
0
Ilmo  laga talaalayo cudurka dabeysha

Ilmo laga talaalayo cudurka dabeysha

Garoowe[RBC Radio]War kasoo baxay masuuliyin katirsan wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa si cadd lugu sheegey in muddo lix-sano kadib deegaanada Puntland lugu arkey bukaano uu soo ritey cudurka dabeysha.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtey in baaritaan lagu sameeyey cunug yar oo ku nool magaaladda dakedda ku taal ee Boosaaso laga heley xanuunnka dabeysha,taaso ka dhigeysa inay sura gal tahay in deegaano dhor ah oo ka tirsan Puntland uu ku jiro xanuunnkan.

Agaasimaha daryeelka caafimaadka ee wasaarada caafimaadka ee Puntland Dr. Cabdirisaaq Abshir Xirsi (Garweyne) oo maantey lahadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu xaqiijiyey kiis muujinaya in cadurka dabeysha uu ka jiro deegaanada Puntland.

Dr. Cabdirisaaq Abshir Xirsi (Garweyne) waxaa uu si gara ah u tilmaamey in la helay kiis dabayl ah oo Boosaaso ka dilaacay, kadib baaris la sameeyey.

Waxaa la sheegey in kiis kaan uu yimid kadib markii laga shakiyey,taaso kentey in baaritan dalka dibaddisa ah lugu sameeyo gar ahaana magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya,halkaaso laga soo xaqiijiyey cudurka dabeysha.

Sidoo kale Dr.Garweyne waxaa uu hadalkiisa ku soo qadey inay jirto shaki kale oo ku aadan in uu xanuunnku sidoo kale ka dilaacey degmada Boocame gobolka Sool balse baaristiisa aan weli la xaqiijin.

Dr.Garweyne waxaa uu sheegey in wasaaradda caafimaadka Puntland ay dadaal ugali doonto sidii looga hortagi laha inuusan xanuunnkan ku baahin deegaanada kale ee Puntland,waxana uu intaa ku darey in arrinta kaliya ee looga hortagi karo ay tahay dhibcaha talalka oo la qaato.

Ugu danbeenti Dr.Garweyne waxaa uu hadalkiisa ku sheegey in dhawaan ay bilaabi doonan ol ole looga hortagayo inusan xanuunnku ku baahin gobollada kale ee Puntland.

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tacsi: Canab Sheekh Xuseen Xassan

$
0
0

“ Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun “

tacsi1Waxaa 27 Aug 2013 magaaladda London ee dalka UK u geeriyootey marxuumad Canab Sheekh Xuseen Xassan waxaana EEBE uga baryeynaa inuu Jannadiisa ugu naxariisto Qoyskii, Ehelkii, Qaraabaddii iyo Saxiibaddii ay aduunka ku la heydna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Gaar ahaan waxaa halkan tacsi looga dirayaa dhamaan caruurteeda Cabdulaahi Xassan (Wiish), Cabdirahmaan Xassan (ogi), Aaden Xassan, Hibo Xassan, Muumino Xassan, Sharmaarke Xassan iyo dhamaan awlada ay sii dhaleen .Sidoo waxaa ayagana halkan tacsi looga diryaa dhamaan Qoyska reer Sheekh Xuseen Xassan Mohamed-dheere waxaan aanu Eebe uga baryeynaa inuu Samir iyo iimaan ka siiyo marxuumadana jannadii ka waraabiyo Aamiin, Aamiin ,Aamiin……..!

Waxaa halkan tacsi ka diraya dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Karlsruhe

1. Eng. Saalaxuldin Cabdirahmaan X. Macow

2. Maxamed Cali Madhoodhe

3. Mahdi Abdisalaan Khaliif iyo Shukri Cabdiraxmaan

4. Ahmed Abdi Ali iyo Deeqo Xasan Nuur

5. Yaxye Weli Abukar iyo Ayaan

6. Ahmed daahir iyo Faadumo

7. Xuseen Barkhadle iyo Falastiin

8. Cali Daauud iyo Faisa

9. Cabdifataax Sheekh iyo Caaliyo

10. Cabdulaahi Geel-beele iyo Faadumo Yuusuf

11. Ahmed Faarah iyo Xafza

12. Cali Cabdi Adan iyo Haboon

13. Xasan Garuun Diiriye Iyo Ayaan

14. Maxamed Sahal iyo Shukri Cali

15. Cabdirisaaq Isxaaq Xirsi Cali iyo Xaliimo

16. Axmed Hurdaaye iyo maryan Sh. Cismaan

17. Cabdullaahi garoon iyo Ardo

18. Ahmed axamed Saalah (Axmed-Diinaash)

19. Cabdiraxmaan Ahmed Mahamed

20. Nuur Cabdi Cali

21. Muraayo Cabdullaahi Daud iyo Caruurteeda

22. Eedo Nuuro Ibraahim Mohamed-dheere

23. Fatxi mohamed

24. Isniino Bare

25. Xaliimo Khamiis

26. maama Saynab

27. Luul Ciise

28. Ramla Jaamac Diiriye

29. Xaawo Dhoore

30. Fartuun Mahdi Abubakar

31. Nasro Maxamed Cigaal

32. Cabdulkadir maxamed Galan iyo Samsam

33. Faysal Cawaale iyo Muna Sh. Axmed

34. Axmed Cag-madhige

35. Xassan Yusuuf xaaji Mohamoud

36. Mohamed Saciid (Bari-Bari)

Axmed Cabdi Cali( Ahmed-BHF)

Use Facebook to Comment on this Post

Share

KA QEYBQAADO DHISMAHA MASJID AL-FAARUUQ, BURSAALAX

$
0
0

Masjidka11

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Wasiirka Caafimaadka Puntland: Midowga Yurub iyo Beesha Caalamkaba waan usheegnay in aysan na matalin Dowlada Muqdisho.

$
0
0

vvvvvvvvvvvvvvv

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame oo ka mid ah Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa isaga oo jooga magaalada Nairobi mar uu la hadlayay Warbaahinta Gudaha wuxuu sheegay in Beesha Caalamka iyo Midowga Yurub ay u gudbiyeen in Xukuumada Federaalka ee Soomaliya aysan Matalin Puntland kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay 2da Dhinac danaha Shacbiga Puntlandna aysan matali karin Dowlada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay Wasiirka oo u waramayay Radio Garoowe.

” sidaad la socotaan  waxaan taknay dalka kenya hawlo ayaana halkaasi u jognaa oo madaxweyne faroole ayaa ina hogaaminaya, tan iyo intaan taknay waxaan la kulannay Hay’adaha Caalamka  iyo Midowga yurub Safiiro ka socda waxaana u gudbinaynay Mowqifkeena ku aadan dhanka Dowlada Federaalka iyo inaan xiriirkii u jarnay Xukuumada Muqdisho kadib markii Dastuurkii dalka lagu xadgudbay,Marka Madaxweynuhu wuxuu la kulmay Wafuud Talyaaniga ka socota dhawaanah wafdigaasi Puntland ayeey gaari doonaan arimo muhiim ah ayeeyna Puntland kasameyn doonaan, sidaa darteed dhamaan dadkii aan la kulannay waxaan u gudbinay wax aysan ogayn iyo xaalada dhabta ah ee Dalka kajirta Dhanka siyaasada iyo Amniga marka loo eego, sidaana waxaa yiri Wasiirka caafimaadka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirka Brussels ka dhici doonaa ee Arimaha Soomaliya iyo Dib u dhiskiisa looga hadlayo ay ka qayb galayso oo kaliya Puntland marka si gaara loo casumo oo aysan cidina Masuul ka noqon sidana waxaan u sheegnay buu yiri Wasiirku in ku dhaw 20meeyo Safiir oo Dalkan Kenya u jooga Midowga yurub,Wasiirku wuxuu sheegay  in Puntland ay iyada Is matasho  intii laga  helayo Maamul goboleedyo kale oo Sharuudaha soo buuxiya sida uu qabo buu yiri Dastuurka Dalka.

Dr Cali wuxuu sheegay in Beesha Caalamka ay hordhigeen in Dowlada Soomaliya aysan Matali karin Puntland kadib markii ay buuxin weyday Shuruudihi looga fadhiyay ayna jabisay heshiisyo badan oo la galay Dastuurkiina ay baalmartay wuxuuna rajo ka muujiyay in ay ku guuleysan doonaan ujeedkii ay u tageen Dalka kenya.

Hadalkan wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in loo baahan yahay Wadahadal lala galo Puntland si xal loo gaaro Walow Puntland geed dheer u fuushay sidii ay uga madaxbaaanaan lahayd Xukuumada Soomaliya kadib markii ay waxyaabo badan isku afgaran waayeen.

RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe..

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Viewing all 8033 articles
Browse latest View live