Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Maamulka Jubba oo soo bandhigay ciidamo ka soo goostay Barre Hiiraale[Sawirro]

$
0
0

4

Kismaayo[RBC Radio]Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa garoonka diyaarada ee magaalada Kismaayo waxaa ay ku soo bandhigeen ciidamo iyo saraakil la sheegay inay ka soo goostay Barre Aadan Shire Barre Hiiraale.

Ciidamada ayaa tiradooda lugu sheegay 10-askari iyo sargaalkii hoggaaminayey,waxaana halka lugu soo bandhigay goob-jog ka ahaa mas’uuliyin ka tirsan maamulka Jubba oo uu ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka koobad iyo wasiirka arrimaha guddaha.

Munaasabad kooban oo loo qabtay ciidamadan soo goostay ayaa waxaa hadal mahad-celin iyo bararaarujin ah ka jeediyey wasiirka arrimaha gudaha maamulka Jubba Maxamed Faarax Warsame Darwiish, oo sheegay inuu aad ugu mahad-celinayo ciidamada isa soo dhiibay, isaga oo tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay heshiiskii magaalada Addis Ababa ay kuwada gaareen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

“Aad ayaan usoo dhaweynayna talaabadan ad ku go’aan sateen inad isku soo dhibtaan maamulka,aad ayaana idin kaga  mahad-celinayo ciidamada isa soo dhiibay,waxaa qorshe horrey ugu jiray soo dhaweyntiina heshiiskii magaalada Addis Ababa ay kuwada gaareen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Jubba.”ayuu yiri wasiir darwiish.

C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,madaxweyne ku-xigeenka koobad ee maamulka Jubba oo munaasabada goob-jog ka ahaa ayaa isna hadal uu jeediyey waxaa uu ku soo qaaday in ciidamada isa soo dhiibay ay soo dhaweynayaan isaga oo qeexay in dagaalkii ka dhacay Kismaayo uusan aheyn mid qabiil balse uu ahaa mid siyaasada ugu dambeyna xal laga gaaray.

“Ku soo dhawaada deegaannkina iyo maamulkiisa,waxaan idin xaqiijinayan dagaalkii ka dhacay Kismaayo ma ahaayn mid qabiil ee waxaa uu ahaa mid siyaasad ku dhisan,ugu dambeyna xal ayaa laga gaaray,cid kasata oo nabadda qaadanaysana waan soo dhaweynayna”ayuu yiri Jen.Fartaag.

Intaas kaddib waxaa isna hadalka qaaday sargaalkii hoggaaminayey ciidamadan soo goostay kaaso lagu magacaabo Mahad Faraguroow,waxaana uu sheegay  inay garawsadeen in maamulka Jubba ay isku soo dhiibaan maadaama heshiiskii Addis Ababa uu sidaasi dhigaye.

“Waxaan xilligaan garanaye nabadda,waxaana garawsanay inan maamulka isku soo dhibno maadama heshiiski Addis Ababa uu sida dhigayey,waxaana la kulanay soo dhaweyn,cid walbana nabadda ayaan ugu baaqena iyo inay dhinaca maamulka Jubba yimaadan”ayuu yiri sagaalki hoggaaminayey ciidamada soo goostay.

Ciidamada ayaa xilligi ay isi soo dhibeen waxaa lugu soo dhaweeyey garoonka halkaas oo looga qaaday hubkii ay wateen.

1 2 3 4
_____
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images