Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Wariye Sucuudiyaana Oo Loo soo Tarxiilay Soomaaliya

$
0
0

2

Muqdisho[RBC Radio]Wariye Sucuudiyaana oo lagu Magacaabo Cumar Cusmaan ayaa loo tarxiilay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Cumar Cusmaan ayaa lagu soo daray Diyaarad Magaaladda Muqdisho isagoo  laga soo tarxiilay Boqortooyada Sucuudiga,Jimcihii hore kaddib markii muddo saddex bilood ah xabsiga dalkaasi uu ku jiray.

Wariye Cumar  Cusmaan

Wariye Cumar Cusmaan

Wariye Cumar oo 33 jir ah, wuxuu u shaqeynayay wargeyska Al-Yoom oo ka soo baxay gudaha dalka Saudi Arabia.
Ciidanka ammaanka ee dalka Sucuudiga ayaa waxaa la sheegay in ay ka shakiyeen ka dibna baaritaan iyo dabagal ay ku sameeyeen Wariye Cumar Cusmaan.

Waxaana jirta in wargeysyada kasoo baxa dalka Sucuudiga iyo meelo kale ay qorayaan in dalka Soomaaliya loo mastaafuriyey nin lagu magacaabo Cumar Cusmaan oo dhalashadiisa muran la galiyey.

Cumar Cusmaan oo ah Saxafi Sucuudiyaana ayaa Dhalshada lagala laabtay kaddib markii la sheegen inuusan ahaayn Sucuudiyan.

Hay’adda Jinsiyadda iyo Socdaalka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan gacanta ku haysa Wariyahaan,waxaana ay sheegeen innaan la ogaysiin.

Wariye Cumar Cusmaan ayaa dhankiisa  Sheegay innuu La’yaabanyahay in loo tarxiilay Soomaaliya isagoon xitaa Af-soomaali aqoon.

Warbaahinta ka soo baxda dalka Sucuudiga iyo meelo kale ayaa qoraya in dalka Somalia loo mastaafuriyey nin oo ay dawladda Sucuudigu sheegtay inuu yahay nin Soomaali ah, dalkana uu sharci-darro kusoo galay, hase yeeshee, isagu sheegay inuu dalka Sucuudiga ku dhashay, jinsiyadiisana uu haysto.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images