Muqdisho[RBC Radio]Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laalay oo sharci darro ku tilmaamay mooshin looga soo horjeeday in xukuumadda cusub lagu soo daro xubno ka tirsanaa wasiirradii xukuumaddii hore ee kalsoonida baarlamaanka weysay ee uu hoggaaminayay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Mooshin-kan waxaa soo gudbiyay xildhibaanno ka soo horjeeda in xubnihii ku jiray golihii wasiiradda ee Saacid ay mar kale ka mid noqdaan golaha wasiiradda ee la filayo inuu soo dhiso raysal wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed. Xidhibaannada mooshinka keenay ayaa ku eedeeyay golihii wasiiradda ee horay waxqabad la’aan, hasse yeeshee baarlamaanka ayaa laalay mooshin-kan oo la sheegay inuusan waafaqsaneyn dastuurka Soomaaliya.
Xilligii uu furmay fadhiga baalamaanka oo uu shir guddoomiye ka ahaa guddoomiyaha baarlmaanka dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 113 xildhibaan waxay u codeeyeen oo ay oggolaadeen mooshin ajandaha ka saarayey mooshinka koowaad ee la doonayye in lagu horistaago dib usoo magacabaista wasiirrada xukuumadii raysal wasaare Cabdi Faraax Shirdoon Sacaid., halka 99 xildhibaan ay u codeeyeen in mooshinka la meelmariyo.
Xilligii la tiriyey codkii gacan-taag ahaa ee ay baarlamaanku dhibteen,waxaa hadal jeediyey guddoonka baarlamaanka,waxaana uu sheegay in la laalay mooshinka hore ee diidayey inana dib loo soo magacaabin wasiirradaii hore, kuna tilmaamay mid ana dastuuri ahayn.
Xilligaan go’aanka ay gaareen baarlmaanka Soomaaliya,waxaa uu awood ku siinaya raysal wasaare C/wali inuu golaha wasiiradda uu soo dhisayo uu ku soo dari karo qaar katirsan wasiiraddii hore.
Waxaa ay baarlmaanka qaraarka ay qaaten maanta uu farsad u siinaya wasiiraddi horey uga tirsana xukuumaddii Saciid,waxaana xusid mudan inay jiran xubno ka mid ah wasiiradda oo maal mahanba dadaal ugu jiray sidii ay markale usoo laaban lahaayeen.
Dadka sida dhow ula socda siyaasada madaxtooyada Soomaaliya,waxaa ay sheegan in go’aanka uu maanta baarlmaanka qaatay ay ka dhigayso inay soo naqdan wasiiraddi hore kuwa ka mid ahaa gaar ahaana xubna la sheegay inay ka agdhow yihiin madaxweyne Xassan Sheekh,isla markaana uu doonayo madaxweynaha inay markale ka soo dhex muqdan xukuumadda dhismaheedu socdo ee dhawaan la sugayo nuu soo magacaabo raysal wasaare C/wali Sheekh.
________
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho