Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Guddi wasiiro ah oo loo saaray in 5-maalmood kusoo ogaadaan weerarkii madaxtooyaa lugu qaaday[Dhageyso]

$
0
0
Golaha wasiirrada oo qaatay shirkoodi ugu adka

Golaha wasiirrada oo qaatay shirkoodi ugu adka

Muqdisho[RBC Radio]Shir saacado badan qaatay oo ay xalay yeeshen golaha wasiirrada Soomaaliya,ayaa waxaa lugu magacaabay guddi wasiirro ah kuwaaso la amray inay muddo 5-maalmad ah ku soo ogaadan sida uu u dhacay weerarkii  ismiidaaminta ahaa ee Jimcihi lugu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in muddada kooban ee la siiyey xubnaha ka mid ah guddiga in looga fadhiyo soo bandhigida faah-faahin la xiriirta sida ay wax u dhaceen,waxaana la sheegay xoggaha guddiga ay soo bandhigaan in saxaafadda loogu soo bandhigi doonno shacabka Soomaaliyeed.

Shirka ay yeeshen wasiirrada waxaa uu bilowday galinkii hore ee shalay,waxaana uu soo gaba-gaboobey saqdii dhexe ee xalay,waxaana lugu dheeradey ka hadlinda ammaanka iyo qabka ugu haboon ee looga talabsan karo kooxda dowladda Soomaaliya dagaalka xooggan kula jirta ee Al Shabaab.

Raysul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed,ayaa shir guddoomiya ka ahaa shirkaan oo lugu sheegay inuu ahaa kii ugu adkaa ee ay qaatan golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda raysul wasaare C/wali.

Dowladda ayaa rabta inay jawaab ka bixiso  weerarkii Al Shabaab madaxtooyada ay ku qaaden

Dowladda ayaa rabta inay jawaab ka bixiso weerarkii Al Shabaab madaxtooyada ay ku qaaden

 

Shirkaan xasaasiga ah ee ka qabsomay xarunta madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaana xafiiska raysul wasaaraha saxaafadda ayaa dibad joog ka ahaayd,xilligii uu soo dhammaaday waxaa warfidiyeena u faah-faahiyey arrimihi muddada dheer wasiirradu ay ka hadlen wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Jen.Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,waxaana uu xaqiijiyey in muhiimadda kulanka uu ahaa ka hadalka amniga, islamarkaana ay ka soo saareen saddex qodob.

Waxaa uu inta ku daray wasiirka isagoo sii hadlaya in golaha wasiirrada ay magacaabeen guddi heer wasiir oo baaritaanno ku sameeya dhacdadii kooxda Al Shabaab ee weerarka tooska ah ugu qaaden madaxtooyada Soomaaliya,halka sidoo kale la isla gartay sida uu sheegay wasiirku in la qaado tallaabo amniga oo deg deg ah.

Jen.Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,waxaa kalo uu sheegay in shirka ay ka soo baxday in wasaaradaha amniga Qaranka, Gaashaandhigga iyo hay’addaha hoos yimaada inay jawaab dag dag ah ka bixiyaan weerarada argagixisadu ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa qodobbka saddex ee shirka ka soo baxay waxaa uu ku sheegay in xukuumaddu ay go’aan ku gaartay qorshe ballaaran oo lagu howl-galinayo dhammaan qaybaha bulshada, maamulada degmooyinka, gobollada iyo hay’addaha amniga heerarkooda kala duwan. Waxaa howlgelintani ay bilaabanaysaa maanta  oo taariikhdu ay ku beegantahay 23/2/2014.

Halkan hoose ka dhageyso shirka jaraa’id ee wasiirka gaashaandhiga:-

Shirkaan waqtiga badan qaatay,waxaa uu iftiiminaya in xilligaan dowladda culeys dhanka amniga ah uu soo fadsaaray,walow xilligaan dowladda ay sheegtay in jawaabo muqda oo ay ku qanci karaan shacabka Soomaaliyed laga soos aari doonno weerarkii argagaxa dhaliyey ee lugu qaaday madaxtooyada,kaaso ay Al Shabaab ka danbeysay.

Tallaaboyinka ay xilligaan dowladda doonaysa ayaa ah sidii looga hortagi laha dhacdooyinka amni xumo ee ay fulinayan ururka Al Shabaab ee dowladda la dagaallama,kaaso xilligaan u muqda mid kordhinaya weerarrada ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho.

Doodda la xiriirta ka hadlida xaaladda amni ee dalka gaar ahaana Muqdisho oo ay yeeshen golaha wasiirrada Soomaaliya waxaa ay ka dhigaysa tii  ugu kululayd ee ay qaatan tan iyo markii la magacaabay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa isagu horey si cad u sheegay in weerarkii lugu qaaday madaxtooyada Soomaaliya uusan hakad galin doonin howlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyada al-Shabaab.

_______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images