Boosaaso(RBC Radio) Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Rugta Ganacsiga Iyo Wershadaha dowladda Puntland Xaflad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland Mudane Maxamuud Xasan Soocadde.
Xafladda soo dhaweynta oo ay soo qabanqaabisay Rugta Ganacsiga Puntland ayaa,waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah ganacsatada ugu waa weyn deegaanada Puntland oo isugu jiray rag iyo dumar.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha dowladda Puntland Mudane Siciid Xuseen Ciid oo furitaanka xafladda hadal kasoo Jeediyey ayaa sheegay in Ujeedadu xaflada loo qabtay ahayd soo dhaweynta Wasiirka Ganacsiga Puntland.
Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa ku tilmaamay xafladda soo dhaweynta mid muujineysa isu soo dhawaanshaha ganacsatada iyo Wasaaradda ,wuxuuna xusay in Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland had iyo goor u taagantahay danta ganacsatada.
Qaar kamid ah ganacsatadii xaflada soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Ganacsiga Puntland ka qeybqaadatay ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan Wasiirka isla markaana ay kawada shaqeynayaan kobaca ganacsiga ee Puntland,waxayna u ballanqaadeen la shaqeyn.
Wasiirka Ganacsiga Iyo Wershadaha Puntland Mudane Maxamuud Xasan Soocadde oo hadal kooban u Jeediyey ganacsatada ayaa sheegay tallo Isweydaarsi dhanka ganacsiga iyo sida lagu horumarin karo yeelan doonaan Ganacsatada.
Wuxuu xusay in looga baahanyahay Ganacsatada Puntland iney soo bandhigaan Caqabadaha ganacsi ee jira taasoo ay si wadajir ah wax uga qaban doonaan labada dhinac,wuxuuna intaas ku daray in la sameyn doono diiwaangelin ganacsatada Puntland ah .
Si kastaba Wasiirka Ganacsiga Iyo Ganacsatada Puntland ayaa ballanqaaday iney kawada shaqeyn doonaan kobaca ganacsiga Puntland dal iyo dibadba,waxaana maalmaha uu joogo Wasiirku Boosaaso ay yeelaan doonaan kulamo.
________________
RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post