Addis Ababa[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Soomaaliyed ee Puntland ayaa khudbad uu arrimo badan kaga hadlay waxaa uu ka jeediyey Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Ammaanka ee Addis Ababa (IPSS).
Khudbada madaxweynaha ayaa timid kaddib markii uu Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Ammaanka ee Addis Ababa (IPSS) uu martiqaad u fidiyey,waxaana khudbada uu madaxweynaha jeediyey uu diirrada ku saaray muhiimadda ay Puntland u leedahay badbaadada iyo ammaanka gobolka,waxaana xusid mudan in madaxweyne Gaas uu muddo saddex bilood ah la joogay Machadka IPSS ka hor inta uusan noqon madaxweynaha Puntland.
Arrimaha uu hadalkiisa ku soo qaaday madaxweynaha oo uu ku dheeraday waxaa ka mid ah qorsha lugu doonaya in dalka looga hirgaliyo nidaamka faderaalka,waxaana uu tilmaamay inuu rumeysan yahay in dhismaha dowlad-gobolleedyo xubno ka noqda federaalka ay gacan ka geysan karaan in laga hor-tago khaladaadkii la galay xilligii dowladdii dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Madaxweyne C/wali,waxaa uu khudbadiisa uu ku cadeeyey in dowladda xilligaan jirta ee u hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh in shacabka Puntland ay ka aaminsan yihiin mid ka soo horjeeda nidaamka faderaalka ee la doonayo in guud ahaanba dalka laga hirgaliyo.
“Inta laga gaarayo dowladda Soomaaliyed oo dalka ku hoggaamisa faderaalka,Puntland waxaa ay noqon doonta mid la macaamisho saaxiibbadeeda caalamiga ah,waxaana jirta inaysan Puntland doonaynin aqoonsi dibadda ah,balse ujeedku waxaa la macaamilka saaxibkeeda dibadda tan iyo inta la helaya dowladda dalka ku dhaqda faderaalka,”ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Puntland,C/wali Maxamed Cali Gaas waxaa uu khudbadiisa ku faah-faahiyey arrimaha xilligaan horyaalla Puntland,waxaana uu ku sheegay inay ka mid yihiin caqabadaha ammaan kooxda Al-shabaab,burcad baddeeda iyo khilafka xooggan ee ka jira gobollo ay ka mid yihiin Sool.
Waxaa uu ku xaqiijiyey hadalkiisa in xilligaan la jooga waqtigii xal nabddoon laga gaari laha muranka ku aadan maamullida iyo lahanshiyaha gobollada ku yaalla sohdinka udhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland.
Madaxweynaha waxaa uu hadalkiisa ku soo qaaday in xilligaan dowladdisu ka gaashamatay weerarro iyo falal amni darr oo ay gobollada Puntland ka geystan Al Shabaab oo u ku sheegay inay xilligaan soo dabar go’ayaan.
Booqashadi ugu horreeysay ee u kutago dalka Itoobiya ayuu xilligaan madaxweyne Gaas ku jooga Addis Ababa,balse waxaa lugu wadda inuu soo gaba-gabeeyo booqashada goor dhow.
______
RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post