Filashada in Al-shabab laga sifayn doono Koonfurta iyo bartamaha Somaaliya ayaa macquul ka dhigtay inay usoo baxsadaan deegaanda Puntland xili dowladda Puntland amnigeeda uu yahay mid feejigan.
Madax waynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay inay macquul tahay in qaar ka mid ah dagaal yahanada Al-shabab ay kusoo dhuuntaan deegaanada Puntland .
Dr Gaas ayaa sheegay in buuraha Gal-Gala ay ku dhuumaalay sanayaan kooxo taabacsan ururka Al-Shabab ayna sidoo kale hooy siin karto hadii Dagaalyahanada ururka looga adkaado koonfurta iyo bartamaha wadan ka.
“Lama lihin xiriir Howlgalada Ciidamada AMISOM ee bartamaha iyo koonfurta wadanka, Waxaana wadaagnaa hal cadow ‘Al-Shabaab’ waxaana muhiim ah in nala gala tashto howladan.” Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
Maxadwaynaha ayaa AMISOM ugu baaqay inay ciidan keenaan xuudaha ay Goboladda dhexe la leeyahiin Puntland si firxadka Al-shabab ugu soo dhuumanin deegaanada Puntland.
Ciidamada howlgalka Midowga Africa ee AMISOM oo garab ka helaya kuwa dowladda Somaaliyaa ayaa waxay dhaqdhaaqyo ciidan ka wadaan deegaano badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha wadanka sidoo kalena Al-shabab ka saaray deegaano kale oo badan.
Dhaq dhaqaaqyadan dagaal ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay midkii sanadkan 2014 ururka Al-shabaab looga sifayn lahaa dhamaanba Somaaliya.
RBC RADIO.
Use Facebook to Comment on this Post