Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya: Xafiis ayaan ka furan doonnaa Magaalada Garoowe (Sawirro).

$
0
0

Camalletin Kani TorunGaroowe (RBC RADIO) Safiirka turkiga ee Soomaliya Camalletin Kani Torun oo Saaka Garoowe soo gaaray lana kulmay Madaxda Puntland booqdayna Goobo ay ka mid yihiin Iskuulka Sare ee Gambool, Jaamacada PSU, iyo Dugsiga Farsamada gacanta, ayaa intaasi kadib safiirku wuxuu hoosta ka raxiiray in Turkigu Xafiis ka furan doono Caasimada Puntland si loo bilaabo barnaamijo Hormarineed oo laga fuliyo Puntland, kadib Dalab Turkiga uga yimid Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Turkiga ay tahay Dowladd Wax wayn ka qabatay Dalka soomaliya gcan waynna siisay umada Soomaaliyeed, wuxuu talaabo Soo dhawayn mudan ku tilmaamay Xafiiska Turkigu ka furanayo Garoowe isagoo cadeeyey in Maamul aahaan ay soo dhawaynayaan talaabadaasi.

Waa Markii 2baad oo safiirku uu Puntland yimaado gaar ahaan Garoowe,horay ayeeyna u balan qaadeen in xafiis ay ka fran doonaan Magaalada Garoowe, hase ahaatee waxay markii Dambe Xooga saareen Magaalada Muqdisho oo mashaariico balaaran ay ka wadeen.

Daawo Sawirro Hordhac ah.

gas ggg SDC12483 waa

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post


FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images