Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Madaxweyne Xassan Magalootina Ma Waayey? W/Q Mohamed Dahir

$
0
0

M.weyne Xassan magalootina ma wayey?
Mohamed Dahir
mmdahir@gmail.com
Maarso 08 2014

maqaalAFEEF: intaanan qoraalka bilaabin waxaan ka afeefanayaa, in madaxweynuhu uu leeyahay tixgalintiisa maadaama uu joogo wali kursigii wadanka ugu sareeyey, waxaan qorayana waxay iila muuqatay wax dadka oo dhan ama intooda badani isku raacsanyihiin hadaan meelaha qaar ku tiigaalana waad xusi kartaan akhristayaal. Wixii dhaliil ama toosinana waad ii soo dirikartaan. Waxaanna cadaynayaa in aan noqondoono shaqsiga koobaad oo sheega wanaaga dawlada haday muujiso weeyee.

Waxaa jirta maahmaah ay soomaalidu leedahay aadna ay u isticmaasho , oo oranasa “ mar idage ilaahay hadago, mar labaad haduu idagana anaa ale dag ah”.

Hadii lasoo koobo micnaha ay gudbinaso maahmaahdani waa mid runtii qota dheer waxaana isticmaala micnahaas micne lamida ama u dhaw in badan oo kamida banu aadamka khaasatan kuwooda aqoonta qora ama faafiya Waxaana laga sameeyey hal qabsiyo farabadan.

Qaybaha aqoonta kamidka ah inta aan ogahay ee micnaha maahmaahdan oo kale adeegsada waxaa kamida siyaasadda guud ahaan khaasatan qaybaha quseeya xiriirada bulshada (Public Relations) inkastoo xiriirka bulshadu uusan kaliya khaas u ahayn dawlada iyo siyaasadeheeda, laakiin uu yahay mid ay isticmaalaan dhamaan hay,adaha,ururada,xisbiyada,shirikadaha dawligaa iyo kuwa aan dawliga ahayn oo dhan iyo qaar kale oo aan halakan lagu soo koobikarin.

Marka si guud loo eego maahmaahdaas micneheedu wuxuu noqonkaraa in hadii qof mar ku khayaamo aad u toog haysid kana digtoonaatid in arintaasi aysan marlabaad dhicin, micnaha kan ka qotada dheer ee maahmaahda u qarsoon oo culuumahaas aan kor ku xusay ay adeegsadaan wuxuu yahay in shaqsiga banu aadamka ah uu noqdo mid mar walba diyaar u ah in uu wax bedelo khaasatan marka hawshii uu hayey, masuuliyadii ama maamulkii iyo hay,adii uu madaxda ka ahaa ay sidii la rabey noqon waayaan, ayna soo baxaan kuwo aan la jaan qaadikarin bii,ada ay ku dhexnoolyihiin amaba ladoonayo in la kordhiyo tayada iyo wax qabadkooda.

Waxaynu tusaale u qaadankarnaa dadka xoola dhaqatadaa, khaasatan kuwa ariga dhaqda marka intuu waraabe usoo dhoco uu neef halakeeyo ama kala tago waxay qaadaan dhawr talaabo oo ay ugu horayso in dhacamo waaweyn lagu tiiriyo meeshii waraabuhu soo maray iyo guud ahaan meeshii kale oo uu soo hawaysankaro. Intaas qura kuma dhaafaane waxay sameeyaan waardiye dhanka cidlada xigta ka seexda xoolaha ama hadii aan kaas la helayn waxay isticmaalaan “ magalooti ” aan qof runa ahayn laakiin si xirfadaysan loo habeeyey aadna moodasid qof waardiye ah oo dhab ah kaasoo u muuqda qof gogol ku jiifa oo xitaa barkintiisii haysta ama mid taagan oo isha ku haya wax walba, waraabuhuna uu lafihiisa kala cararo markuu isha ku dhufto.

Talaabooyinkaas xoola dhaqatadu Waa arin muujinasa isbedel deg-deg ah, iyadoo laga duulayo wixii dhacay lagana gaashaamanayo suurta galnimada in arinkaas mid lamida uusan dhicin mar dambe.

Hadaan intaas hordhaca kusoo dhaafo dibna aan ugu soo laabto qormada, waxaan isku dayi doonaa in aan wax yar kaga faaloodo madaxweynaha somaliya anigoo xushmaynaya faaladaydana ku salayndoona waaqaca jira iyo xaqiiqooyinka banaanka yaala.

Daah furkii qormada waxaan soo qaatay maahmaah soomaaliyeed sababta aan usoo qaatayna waxaan orankaraa madaxweyne xasan sheikh ugu yaraan waxaa kamaqan fahanka maahmaahdaas oo kaliya. Arinta kale oo xiisaha badan leh ayna suurta galka tahay in aad layaabtid waxay tahay in somaalidii maahmaahdaas aynu kasoo gaarney oo ay caddahay in ay ahaayeen dad reer baadiye ah oo aan aqoon badan lahayn, ay ka wel welsanaayeen kana xishoonjireen khasaaraha iyo niyad jabka ay leedahay hadii qofku uu laba jeer bohol isku mida ku dhoco( Hal god laga qaniino).

Nasiib daro inagu maanta waxaynu markhaati ka noqonay madaxweyneheenii sheeganayey in uu yahay shaqsi aqoon bartay oo fahmi waayey dhibka ay leedahay ceebtii shalay dhacday oo aan wax laga baran, ilaa maalintii ladoortay iyo ilaa mantana booraamo iyo boholo isku mida dhextaagnaa kana gilgilan waayey mar qura. Hadaynu kasoo bilowno Hotel Jaziira tii ka dhacday waxyar kadib markii la doortay iyo kuwa manta dhacaya ilaa heer ay gaartey in ay iska noqotay arin caadiya in ladhoho hoobiyaa xamar laga dhextuuray iyo villa somaliyaa la weeraray ama afaafkeeda masuul lagu diley.

Shaqsiga bulsho hogaankeeda haya waxaa laga rabaa inuu isagu mar walba noqdo tusaalaha koobaad ee lagu daydo umadiisana uu tuso daacadnimo iyo inuu mar walba u taaganyahay dantooda guud, uuna ka hor marinayo dhamaan danaha shaqsiyaadka, haduuse noqdo dib usocodka koowaad, waa guul daro culus kasoo kabashadeeduna ma sahlana.

Mudane xasan sheikh wuxuu ugu horayntiiba u sheegay shacabka soomaaliyeed kadib markii uu ku guulaystey kursiga lacagta faraha badan uga baahan qofka raba inuu ku fariisto, in uu isu keeni doono kana shaqayn doono sidii laysugu wadilahaa umada soomaaliyeed dibna laysugu soo celinlahaa dadkii dhagarqabayaashii iyo dagaal oogayaashii ay kala irdheeyeen. Taas bedelkeeda, xasan shekh wuxuu shacabka si ficila u tusay, in uu yahay hogaamiye kooxeed u taagan kala irdheynta iyo iska horkeenida umada soomaaliyeed , una tafa xaytey danaha kooxo gaara oo aan wax muraada ka lahayn shacabka soomaaliyeed. Cadayn iyo Markhaatina waxaa ugu filan arimahan aan sheegayo, siyaasadihii guracnaa, shakiga faraha badana abuuray ee uu ku wajahay madaxweynuhu dagaaladii iyo xaaladahii ka oognaa shabeelooyinka,Hiiraan, jubooyinka, Bay iyo Bakool iyo Qadiyada ka taagan gobolada waqooyiga oo la orankaro waa meelaha uu ka galay eexdii abid ugu weynayd iyo inuu diidey la shaqaynta maamuladii wadanka ka dhisnaa midnima iyo nabadaynta wadankana u taagnaa sida Puntland iyo kuwo kale.

Madaxweyne xasan sheikh waxyaalaha sida xun sawirkiisii heer caalami iyo gudaha wadanka labadaba u dhaawacay waxaa kamid ah, in uu ku fashilmay habayaraatee in uu casharo ka barto fadeexadihii isugu jirey kuwo siyaasadeed,kuwo maaliyadeed iyo kuwo amaan oo uu hoyga iyo astaanta u noqday maamulka uu madaxda ka yahay ilaa maalintii lagu khatalmay doorashadiisa.

Wuxuu soo bandhigay xasan sheikh siyaasado uu yiri waxay ku dhisanyihiin lix qodob wallow ay markii dambe isu bedeleen kuwo xarig marana oo aan meel loo raaco lahayn soomaalidii iyo ajnabigiina si isku mida ugu wareereen . waxaana la aaminsanyahay in siyaasadaha lixda tiir ay ahaayeen hadal uu madaxweynuhu si aan kafiirsi lahayn u yiri laakiin siyaasadihiisa dhabta ahi ay ku dhisnaayeen tiirar kale oo aan wali la ogayn inta ay tiradoodu tahay.

Tusaale ahaan xasan sheikh intii laga aqoonaa kuma uusan jirin dadkii dagaaladii wadanka ka dhacay sida fir fircoon uga dhexmuuqday hadana kadib doorashadiisii waxaa iska soo daba dhacaya warar aad laysugu halaynkaro oo sheegaya inuu madaxweynuhu ku xidhanyahay shaqsiyaad isugu jira, hogaamiye kooxeedyo, hogaamiyayaal shaar diimeed huwan iyo kooxo argagixisaa oo hubka ka hela madaxtooyada iyagoo usoo maraya xubno katirsan gacan yarayaashiisa ka tirsan DAM-JADID taasoo ay toosh kusii shiday warbixintii UN tu soo saartay dhawaan.

Waxaa hadaba tusaale aad u wanaagsan u ah hagardaamooyinka madaxweyne xasan sheikh uu shacabkiisa ku hayo iyo hogaan xumadiisa, marka aynu dib u milicsano madaxweynihii isaga ka horeeyey, shariif sh. Axmed oo ahaan jirey wadaad dadku ay aad ugu aqoonaayeen dagaaladii lagu hoobtay ee uu kala horyimi dawladii ku meelgaarka ahayd ka hor intaan isaga loo dooran madaxweynaha wadanka.

Mudane Sh.shariif, kadib markii ladoortay wuxuu qaaday talaabooyin aad u farabadan oo uu kusoo jiidankaro kuwii ay shalay jiidda hore ee dagaalka wada jiifeen, waxaana laga xusi karaa inuu qalinka ku duugey sharcigii baarlamaanku ansixiyeen kaasoo sheegayey in wadanku yahay wadan islaam ah waxa lagu xukumidoonaana ay tahay shareecada islaamka isagoo ku daray inuu si guud iyo si gaara labadaba ugu gacan haatiyo saaxiibadiisii shalay si wadanka nabad waarta loogu soo dabaalo.

Waxaase xusid mudan inuu ka qaatay go,aan adag oo hogaamiyenimo kuwii ka dhega adaygay in ay nabada qaataan oo xagjiroobey uuna lagalay dagaal joogto ah ilaa caasimada laga saaray iyo meelo badan oo wadanka ka tirsan wakhtigii uu farmaajo R/wasaaraha ahaa.

Hadaba su,aasha is weydiinta mudani waxay tahay hadii Mw. shariif sheikh oo ka tirsanaanjirey ahaana hogaankii maxkamadaha ugu sareeyey, oo uga khibrad badan ugana fara dhuudhuubnaa Xasan sheikh uu ladagaalamay ururadan umada dhibay kadib markuu ogaadey ajandayaashooda guracan maxay tahay xasan sheikh oo ahaa maamule private yar oo caasimada ku yaala markii shariifku nimankan hogaankooda ahaa iyo markuu ladagaalamayey labadaba, sababta ku kaliftey inuu wadanka kusii daayo dagaalkoodiina faraha ka laabto ilaa ay hoygiisii ugu yimaadeen? mala orankaraa xasan sheikh iskuulada maduxuu ku qarsanayaye wuxuu ahaa waraabe aamusan umadana intiisii laharay.?

Jawaabta oo faah faahsan waxay u taalaa shacab weynaha soomaaliyeed laakiin waxaan kusoo koobikaraa aragti ahaan, in madaxweynaha ay isu raaceen sadex arimood oo ah kuwa curyaamiyey magiciisii aan awalba caanka ahayn oo bulshada ku cusbaa, hogaamintiisiina ka dhigay hal bacaad lagu lisay.

Waxayna kala yihiin:

1. Siyaasado iyo ajandayaal xagjira oo aad u guracan, oo u qarsoon madaxweynaha ayaa jira, bulshadana uusan wali u sheegin wallow uu rabo in ay hirgalaan kuwaasoo sabab u noqday in la fahmi waayo meesha madaxweynuhu wax ku wado iyo meesha uu ka bilaabayo toona. Waana ta sababtay in marwalba waxa madaxweynuhu sheego iyo ficilkiisu ay iska horyimaadaan.

2. Kooxaha ku wareegsan oo talada uu ka qaato, oo runtii lagu tilmaamikaro arxanlaawayaal canaasiira oo shacabka liita, sharafta qaranka iyo ta Madaxwenaha aan midna u turayn ayna uraacday madaxweynaha oo aan lahayn dheg kale oo wax loogu sheego mida kooxdiisa u xidhan maahee.

3. Tan ugu dambaysana waxaa la orankaraa waxay tahay shaqsiyyada madaxweynaha oo ah mid aad isaga caabida qirashada talaabooyinkii iyo go,aamadii aan lagu najixin ee horay loo qaatay, taasoo madaxweynaha baday inuu noqdo hogaan aan jajabnayn oo mar walba hal dhinac wax walba iska taaga xitaa hadii uu khaldan yahay, Gaashaankana u daruura dhamaan aragtiyaha kale marka laga reebo inta yar oo uu ka helo kooxdiisa.

Ugu dambayntii

Inkastoo Wakhtigii ladoortay rajadii umada u muuqanasey oo aad u weynayd iyo natiijooyinka kasoo baxay ay noqdeen wax aan caadi ahyn oo mucjissa ah dadkana ku abuuray niyad jab farabadan, waxa shacabka soomaaliyeed ay kaga bugsoonkaraan waxaa weeye inay gaws dambeedka ku qabsadaan maahmaahdoodii ahayd “ ku qabatay iyo qadar alleba waa laqaataa” hadii ilaahay iyaga iyo bulshada usoo kala gargaaro xaqana garansiiyo oo ay is casilaana waa arin hididiiladii qurbaxaday soo celinkarta.

—————————————

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post


FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images