Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Dowladda Marekanka oo sheegtay inay taageerayso howlgalka ka socda Soomaaliya

$
0
0
Marekanka oo taageeraya dagaallada ka dhanka ah Al Shabaab

Marekanka oo taageeraya dagaallada ka dhanka ah Al Shabaab

Washington[RBC Radio]Dowladda Marekanka ayaa sheegtay inay si toos ah u taageerayso iyadoona laba laamaysa taageerada ay sinjirtay howlgalka lugula dagaallamayo kooxda dowladda la dagaallanta ee Al-shabaab,waxaana howlgallada xilligan socda siwadajir ah uwada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Howlgallada ka socda Soomaaliya waxaa ujeeddadisa ay tahay si ay Al-shabab uga xorreynayaan magaallooyinka ay haysteen ee Koofurta Soomaaliya,inkasto xilligan lagala waregay Al-shabaab deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Baay iyo Gedo.

Al-shabaab oo deegaanno badan laga saaray

Al-shabaab oo deegaanno badan laga saaray

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Marekanka, ayaa lagu sheegay in howgalka military uu gacan ka geysan doono fidinka amniga iyo xasilloonida dhammaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna dadajin doonaan soo celinta adeegyadii iyo hay’addaha dowliga ahaa ee Soomaaliya. 

Waxaana qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lugu sheegay inay sii wadayaan taageeridda ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaalida, iyagoo ka taageeraya dhinacyada qalabka, saadka iyo tababarrada.

Dowladda Maraykanka,waxaa ay ka mid tahay dalalka reer galbeedka ee tan iyo 2007 yaboohay in kabadan 512 Malyuun oo Dollar oo lagu taageerayo AMISOM, iyo in kabadan 171 Malyuun oo lagu disayo ciidamo tayo iyo xirfad leh oo ay yeelato dowladda Soomaaliya. 

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda,waxaa uu ku soo aadaya xilli ciidamada wadajirka ah ee isgujira kuwa dowladda iyo AMISOM ay dhowrki maalmood ee la soo dhaafay ururka al-Shabaab ka qabsadeen magaallooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images