Jabuuti[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo horkacaya wafti ka socda dowladda ayaa maalmahan howlo shaqo u joog adalka Jabuuti,waxaana ay halka shirar kula qaaten madaxda dalkaasi.
Waxaa uu maanta kulan la qaatay madaxweynaha Puntland C/wali Gaas,la kulmay Wasiirka Difaaca Jabuuti, mas’uuliyiinta rugta ganacsiga Djibouti , mamulka dakadaha ee Jabuuti iyo mamulka sare ee shirkadda telecommunicationka Jabuuti .
Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinta uu la kulmay waxa ay si faah-faahsan isula soo qaadeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka Puntland iyo Jabuuti, ka wada shaqaynta amaanka iyo arrimo kale.
Kulanka ka dib, masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Jabuuti oo ay horkacayaan Wasiirka Caddaalada Jabuuti Aadan Xassan Aadan, Safiirka Dowladda Jabuuti u qaabilsan Somalia Dayid Dubbad Rooble iyo xubno kale ayaa wafdiga Madaxweyne Gaas u kexeeye xarumo kala duwan oo dalkaasi Jabuuti ku yaalla.
Wafdiga ayaa booqday dekedda Jabuuti , waxaana looga waramay qaabka ay u shaqayso iyo maamulkeeda, waxaa kale oo ay booqdeen xarunta isgaarsiinta waddanka Jabuuti iyo wasaaradda gaashaan dhiga Jabuuti halkaas oo looga warbixiyay wafdiga Puntland siyaabaha kala duwan ee ay xarumahaasi u howl galaan.
____
RBC Radio
 
Use Facebook to Comment on this Post
	











































