Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

AMISOM oo digniin u dirtay dhinacyada isku haya Baydhabo

$
0
0

Baydhabo oo ardey iyo macallimiin lugu xir xiray

Baydhabo[RBC Radio]Kaddib dibadbaxyo iyo iska hor imaadyo dhexmaray dhinacyada shirarka uu ugu socda Baydhabo xilligaan waxaa farrin digniin ah dhinacyada u diray ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaana kuwa ka socda Itoobiya.

Saraakil u hadashey ciidamada waxaa ay si gaar ah u magacaaben xubno ka mid ah siyaasiyinta Baydhabo ku sugan,waxaana ay ugu hanjabeen haddii aysan joojin abaabulka ay ku doonayan inay dibad baxyo iyo isku dhacyo abuuran inay tallaabo cad ka qaadi doonan.

Ciidamadu waxaa ay sheegen in digniintooda ay ku wajahneyd xubno gaar ah oo lagu eedeyey inay qeyb weyn ay ka yihiin abaabulka iyo kicinta shacabka Baydhabo ku sugan gaar ahaana inay ku lug lahaayeen dibadbaxyadii labadii maalin ee lasoo dhaafay Baydhabo ka dhacay.

Waxaa la sheegay xubnaha abaabula banaan baxyada iyo isku dhacyada Baydhabo ka dhaca inuu ka mid yahay,Cabdi Fitaax Geesey oo horay uu ahaa guddoomiyaha Baydhabo ee dowladda faderaalka xilligaan waxuu ka mid yahay wasiirrada maamulka lixda gobol.

Digniinka ka soo baxday AMISOM,waxaa ay ku soo aadaysa xilli ay wali taagan tahay xiisad la xiriirta arrimaha maamul u sameynta saddexda gobol oo dad badani ay kasoo horjeedaan,waxaana xiisadaasi la sheegay inay yihiin kuwa lasoo abaabulay oo siyaasiyiin ay ka dambeeyaan sida la sheegay.

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images