Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Indho-Guran: kama dhicidoonto Puntland wariye sharci daro lagu xiro.

$
0
0

DSC00111

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta Boostada iyo Hidaha iyo dhaqanka Dowladda Puntland Mudane C/Wali Xirsi Cabdulle Indhoguran oo Raxanreeb la hadlayay wuxuu sheegay in aysan jiri doonin Saxafi si sharci daro ah xoriyada looga qaado ama loo xiro wuxuuna tilmaamay in si nidaamka waafaqsan Wariyaha loola macaamili doono.

“ma dhici doonto intaan ogahay in Wariye meel jooga inta Ciidan loo diro in Xabsi leyska gelsho ama la xiro waxaa Wasaaradayda u dagsan in ay Difaacdo Saxafiyiinta hadii ay qalad galaanna si sharciga waafaqsan loo maxkamadeeyo, sidaana waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Mudane C/wali Indhoguran wuxuu sheegay in Saxafiga dacwad laga Gudbin doono Maxkamadeed loona tagi doono iyadoo warqad cadayneysa Dambigiisa la wato kadiba isagoo qanacsan la keeni Doono Saldhiga kadibana isagoo raali ah Maxkamad lasoo taagi doono.

Wasiirku wuxuu Sheegay in Dowladda uu ka tirsan yahay ay tixgelin gaar ah siiso Saxafiyiinta sidoo kalena Wariyeyaasha looga fadhiyo in ay Dalka dhismihiisa iyo hormarkiisa ka qayb qaataan kana waramaan dhanka wanaagsan si Puntland usii tanaado xiliyada soo aadan.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo horay ay wax caadi ah iska ahayd wariye  leyska xirto sabab la’aan waxuuna hadalkan muujinayaa in Wasaarada Warfaafinta uu Isbedel xaga shaqada iyo waxqabadka  ah kasoo muuqday.

RBC RADIO

Xafiiska Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post


FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Trending Articles