Mombaasa (RBC) Xiisado iyo rabdhado isku dheehan ayaa ka curtay magaalada Mombaasa ee dalka Kenya ka dib markii xalay magaalada lagu dilay nin wadaad Muslim ah oo caan ahaa.
Wadaadkan oo lagu magaaabi jiray Sheekh Abuubakar Shariif Makaburi ayaa la toogtay habeenimadii xalay ka dib markii koox hubeysan ay ku toogteen gudaha magaalada.
Lama yaqaano kooxda dilka geysatay, sida ay sheegeyso warbaahinta dalka Kenya hase yeeshee waxaa wadaadkan uu marar badan oo hore sheegay in booliska Kenya ee la dagaalanka argagixisada ay isaga dili rabaan, waxaana bishii la soo dhaafay uu mar megengelyo u galay xarunta booliska ee Mombasa.
Illaa hadda dawlada Kenya kama hadlin dilka wadaadkan oo magaalada Mombaasa ka abuuray xiisado, waxaana saaka wararka ka imaanaya magaaladaasi ay sheegayaan in dad careysan oo waddooyinka taagan yihiin, waxaana heegan la geliyey ciidamada booliska wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Mombaasa.
Sheekh Makabuuri ayaa la sheegay inuu caan ku ahaa taageerida ururka Al Shabaab, waxaana dhowr jeer uu khudbado uu jeediyey ku sheegay in Al Shabaab lagu qasbay dagaalka iyo qaraxyada ay ka wadaan gudaha wadanka Kenya maadaama ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya kula dagaalamayaan.
Sheekh Makabuuri dilkiisa waxaa aad uga carooday taageerayaashiisa oo la sheegayo inay ku badan yihiin gobolka xeebta ee Mombaasa waxaa Kenya ay ka cabsi qabtaa in rabshado ay ka dhashaan dilka wadaadkan.
RBCRadio
Use Facebook to Comment on this Post