Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Taliyihihii qeybta Booliska gobolka Bari oo beeniyey in Xilka Laga qaaday (DHAGAYSO)

$
0
0
Col. Cismaan Xasan Cawke (Afdalow)

Col. Cismaan Xasan Cawke (Afdalow)

Boosaaso(RBC Radio) Taliyihii qeybta Ciidanka Booliska gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke (Afdalow) ayaa sheegay inaan xil ka qaadis aysan Dowladda Puntland ku sameyn.

….”’ Aniga Taliye cusub oo la igu badelayna majiro ,cid xil igala wareegtayna majirto…”’ayuu yiri mar kale Taliye Cismaan Afdalow.

Col. Cismaan Xasan Cawke (Afdalow) oo Waraysi gaar ah siinayey Idaacada Radio Garoowe ayaa sheegay in shaqadiisa uu wato isla markaana cid xil ka qaaday aysan Jirin.

…..”Wax xil ah oo ilaa hada la iga qaaday majirto,wax qoraal ah oo isoo gaarayna majirto warar baa Suuqa la marinayaa….”ayuu yiri Taliyihii hore ee qeybta gobolka Bari Cismaan Cawke Afdalow.

Wuxuu sheegay oo u qoray in Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u gudbiyey codsi u kaga dalbanayo in xilkiisa qof kale loo dhiibo maadaama uu shaqeynayey muddo ku siman 6-sano.

….”Balse anigu anaa Madaxweynaha ka codsaday in la iga badelo oo meeshan muddo badan oo lix sano ah baan kasoo shaqeynayey oo la geeyo Saraakiishaas sare qeyb kamid ah…”ayuu yiri Col. Afdalow.

Taliye Cismaan Afdalow ayaa xusay in Xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyey ay ka been abuurteen Warbaahinta gudaha ,wuxuuna si gaar ah u abaaray Shabakadda Raxanreeb Online oo kamid ah ahayd Saxaafada wax ka qortay warkaas.

…..” Webseedka Raxanreeb baa wuxuu qoray baa la sheegayaa warar khaldan oo aniga uusan waxba iga weydiin hade hadey Saxaafdu qof iska maagto ,waa wax aan loo baahneyn weeye…”’ayuu yiri.

Si kastaba hadalka Taliyaha Cismaan Cawke Afdalow ayaa kusoo beegmaya xili warar laga helayo Madaxtooyada Puntland ay sheegeyso in xilkaas laga qaaday laguna badelay Taliyihii laanta Socdaalka Jinsiyada Cabdirixmaan Cali Xaseen (Muslim).

 

_____________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images