Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Puntland oo gudi u saartay khilaafka kala dhexeeya DFS.

$
0
0

IMG_5781Garoowe (RBC RADIO) Dowladda Puntland ee soomaaliyeed waxay gudi Wasiiro ah u saartay Khilaafka kala dhexeeya DFS,Gudigaasi waxay soo indho indheen doonaan waxyaabaha leysku khilaafay iyagoo ugu dambayn isku dayi doona xalinta khilaafaadkaasi,waxaana go’aankan lagu shaaciyay Shirkii Golaha Wasiirada ee Qasriga Madaxtooyada ka dhacay..

Gudigan uu Madaxweynuhu Magacaabay waxay dhawaan la hadli doonaan Saxaafada iyagoo Faafaahin ka bixin doona waxa ay shaqadoodu tahay iyo talaabada ay qaadayaan.

Madaxweyne Gaas ayaa in badan ku celcelshay in uu doonayo in la xaliyo Khilaafka u dhexeeya Dowladda Puntland iyo DFS ayna diyaar u yihiin in Gogol ay la fariistaan.

Xukuumadii uu Hogaaminayay Mudane Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa jartay Xiriirkii Puntland iyo Dowladda Federaalka kadib markii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu ku eedeeyey in Madaxda Dowlada Fedraalka ay ku xadgudbeen Dastuurka, Muqdishana laguna ekeeyey Mashaariicaha lagu helo Magaca Soomaalida.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post


FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images