Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Guddoomiyaha cusub ee degmada Galdogob oo ka hadlay qorshaha maamulkiisa[Dhageyso]

$
0
0
Guddoomiyaha Galdogob,Xasan Faarax Maxamed (Ayaxle)

Guddoomiyaha Galdogob,Xasan Faarax Maxamed (Ayaxle)

Galdogob[RBC Radio]Guddoomiyaha dhawaan la doortey ee degmada Galdogob,Xasan Faarax Maxamed (Ayaxle) ayaa markii ugu horreeysay ka hadlay qorshaha uu maamulkiisa ku shaqeyn doonno,waxuuna ballan-qaaday isbadal buuxa inuu ka hirgali doonno degmada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug.

Arrimaha ugu weyn ee u maamulkiisa xoogga saari doonno waxaa uu ku sheegay guddoomiyaha degmada,inay dadaal u gali doonan adegyada hormarinta ee ay u baahan tahay in laga hirgaliyo,iyo howlgalinta goobaha u adeega shacabka oo ay caafimaadka iyo waxbarashadu ka mid yihiin.

Guddoomiye,Ayaxle waxaa kalo uu sheegay in qorshaha maamulkiisa uu yahay inuu si wanaagsan isugu xiro maamulka degmada iyo bulshada tuulooyinka iyo beelaha hoostaga Galdogob.

Waxaa uu farrin u diray guddoomiyaha qurba-joogta ka soo jeeda degmada Galdogob iyo deegaannada hoostaga oo u sheegay in loo bahanyahay inay ka qeyb-galan hormarinta deegaanka.

Xasan Faarax Maxamed (Ayaxle) waxuu tilmaamay inay dar-dargalin doonan qaadista canshuurta degmada si dib loogu celiyo hormarinta deegaanka,waxuuna intaasi raaciyey inuu ku hawli gali doono nidaam ku dhisan haykal dawladnimo, isla markaana aan la arki doonin isagoo agtaagan madaxweynaha, sida marar badan dhacday.

Halkan hoose ka dhageyso guddoomiyah aoo Radio Daljir u warramaya

Golaha deegaanka degmada Galdogob ayaa dhawaan hab cod ah ku doortay guddoomiyaha cusub ee degmada Galdogob,Xasan Faarax Maxamed (Ayaxle).

____
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post



Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images