Nairobi [RBC Radio] Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta kullan Gaar ah Dalka Kenya kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalka Soomaaliye Amb. Nicholas Kay.
Qodobadii ugu muhiimsanaa ee kullanka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Amniga,Siyaasada,Howlaha UN ee Puntland,Maamulka Goboleedka Koonfur galbeed iyo Sidookale sidii loo qaban lahaa shir dhawaan lagu qabanayo gudaha Garowe kaasi oo lagu magacaabo Somalia Development and Reconstruction Fund (SDRF).
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in xukuumadasiisu ka go,antahay sidii loo xoojin lahaa guud ahaa maanka guud ee Puntland.
Xiriirka Wanaagsan ee udhaxeeya Puntland iyo UN sidii loo xoojin lahaa ayaa Madaxwayne Gaas iyo Sidookale Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalka Soomaaliye Amb. Nicholas Kay isla Meel Dhigeen mudadii uu shirku socday.
__
RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post




