Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqorka Beelaha Daarood ayaa Guud ahaan Umadda Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan Dalka iyo Dibadda waxa uu udiray Hambalyada Bisha Barakeysan ee Ramadaanka,Boqorka ayaa ugu Bishaareeyey In Bisha Barakeysan ee Ramadaanka in Maanta ay kowtahay kuna Beegan 29-06-2014, iyadoo Taariikhda Hijiriyada Islaamkuna tahay 01-09-1435.
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa Bisha Ramadaan Awgeed Umadda Somaaliyeed u duceeyey…..”Guud ahaan Umadda Somaliyeed waxaan u soo jeedinayaa inay Ilaahay weyni ahaa Bishaan na soo qaabishay in oo
fadligeed na siiyo Illaahay inoo danbi dhaafo,Ilaahay Towfiiqda nawaafajiyo Cibaadadeyna iyo Acmaasheena kheyrka ah in uu ilaahay naga aqbalo…””
Boqorka ayaa ka hadlay gobolada Dalka dhibaatooyinka dagaalo,fitan iyo sharta ka socota ayaa soo jeediyey in iyaga oo ilaahay ugu baqaya iyo Bisha Ramadaan in wax walbo Nabadgalyo iyo Israac lagu dhameeyo
…”in ay nabad galyo iyo israac iyo midnimo iyo is afgaradka ku dhameystaan wixii arin ah Markaa dhex yaalo meelkasto oo dhibto ka jirto meelaha aan dhibka ka jirin ilaahay waxaan ugu baryeenaa in ilaahay uu u siyaadiyo barwaaqada iyo kheyrka ah ay ku jiraan…”
Boqor Burhaan ayaa ka hadlay Somalida Meelkasta oo ay joogaan Dibadda iyo Dalka in ay heysato dhibaatooyin badan iyadoo dalka Gudihiisa ay ka jiraan Dagaalo,Colaado iyo Barakac waxa uu sheegay in ay haboontahay in Somalida ay xaliyaan dhibka ay ku jiraan….”Somalidu Meelkasto oo ay joogto Gudaha iyo Dibaddaba,Dibadda Dhibaatada ka heysta waan ognahay Gudahana hadde mushkilada Dhibaatada iyo Barakaca meelaha qaar dhibka ka jirta waa ognahay,In ay arimahooda xalistaan ay si wanaagsan ku xalistaan oo ay gacmaha is qabsadaan baa runtii waajib ku ah,Bisha Ramadaanna waxaan rajeeneynaa hadii ay la yimaadaan camal saalixa ah iyo Towbad run ah in ilaahay axwaashooda
hagaajindoono”….
Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqorka Beelaha Daarood ayaa Guud ahaan Umadda Somaliyeed ugu Baryey In sanadkaan Sanadkiisa ay ku gaaraan Bashbash,Barwaaqo,Nabad,Midnimo,Xasilooni iyo Israac,waxa uu sheegay in la caawiyo Dad u baahan kaalmada oo aan awoodin in ay helaan waxa ay ku soomaan,waxa uu tilmaamay in Bishaan Ramadaanka Muslimiinta laga doonayo qofkasta oo awooda in uu ilgaar ah ku hayo dadka Masaakiinta ah.
C/raxman Maxamed Cali (Blcak)
Qardho-Puntland-Somalia
Use Facebook to Comment on this Post
