Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Askar ka tirsan booliska Soomaaliya oo Muqdisho lugu dilay

$
0
0

Otto-Otto

Muqdisho [RBC Radio] Saddex askari oo ka tirsan booliska dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lugu dilay isgoyska Afarta Jardiino ee Muqdisho.

Waxaa la sheegay dilka askartan inay ka danbeeyen kooxo hubeysan oo la sheegay inay wateen gaari iyagoona toogtay ciidamada oo ku sugan hal goob,dad ku dhawaa halka ay toogashada ciidanka ka dhacday waxaa ay sheegen inay fadhiyeen sandaqad loo dhisay ciidamada si ay amniga uga ilaaliyaan.

..”‘Waxaan halmar ka warhelnay rasaas ay ridayaan niman gaari watay,waxaana ay ku ridayaan goob ay ku sugnaayen ciidanka, waxay ahaayeen saddex askari oo mid ka mid ah uu qori haystay halka labada kalena ay ahaayeen kuwo gacmo bannaan. toogashada kaddib kooxihii hubeysnaa oo watay gaari yar way baxsadeen,..”‘” ayuu yiri mid ka mid ah dadku ku dhawa goobta askarta lugu dilay oo saxaafadda la hadlay.

Mas’uuliyada dilka saddexdan askari wali ma jirto cid sheegtay saraakisha iyo madaxda dowladduna wali kama aysan hadlin.

Toogashada askartan waxaa ay ku soo aadaysa xilli magaalada Muqdisho la sheegay in la xoojinayo amnigeeda iyadoona ay socdan howlgallo cusub oo ammaanka lugu xoojinayo.

__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post



Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Trending Articles