Garowe RBC : Musharax Cabdiqasim Maxamed Xassan (Dhagaweyne) ayaa ka tanaasuley xilkii uu u taagnaa ee Madaweyne ku-xigeenka Puntland , mudanaha ayaa ku macneeyey tanaasulkaas iyo dib uga noqoshadaas xilkaas musharanimo mid uu ka eegay meelo badan xilligan.
“ Ka dib markii aan arkey waqtiga doorashadda aan ku gelayo oo aad u yaraa ama doorashada oo iiga baahneyd inaan waqti intaas ka badan isugu diyaariyo iyo ayadoo musharaxiin badanina waqtigan soo galeen u tartamidda xilka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaan waxaan goostey inaan waqtigan dib uga noqdo musharaxnimadeyda xilkaas waxaanan sugi doonaa haddii Allaha awoodi lahi ii ogolaado waqtiga Dimoqoraadiyadda iyo hanaanka xisbiyadda badani ee ka dhaqan geli doona geyaga Puntland ee 2019 ” .
Mudanahani ma ahan kii ugu horeeyey ee ka tanasula doorashooyinka musharaxnimadda hogaanka Puntland loogu tartamayo waxaana maalmahan soo badanayey musharaxiinta ka tanasuulaya xilalkaas, ayadoo waqti yari ka dhiman yahay oo sida la ogyahay ay dhici doonto Maalinta Arbacadda 08 jan 2014.
RBC, Radio