Quantcast
Channel: Wararka – RBC Radio
Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Dr Saadiq Eenow oo ka Tanaasulay Musharaxnimada Doorashada Madaxtinimada Puntland

$
0
0

eenowDr Saadiq Eenow oo ahaa musharax u Tartamayay Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa Maanta shir Jaraa’id oo ku qabtay Gurigiisa waxaa uu sheegay inuu ka tanaasulay musharaxinimadiisi Arimo isaga u gaar ah Darteed.

Dr Saadiq Eenow, oo ahaa Guddoomiyihii Ururkii Midnimo ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada Puntland inay doortaan, oo codkooda Siiyaan musharaxa Saxa ee Dalka iyo Dadka Badbaadin kara,islamarkaana keeni kara isbedel lagu diirsado

“Maanta oo bishu tahay 6 Janaury 2014, Waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay arrinkii musharaxnimadii ee Doorashada kurisiga madaxtinimada puntland, Arrinta aan isku casilay waa arrin ii gaar ah” ayuu yiri, Wuxuuna sii raaciyay

” Cayaarta Siyaasadeed waxay la mid tahay kubadda Cagta oo kale, Waa Guul 100% ah iyo Guuldaro 100% ah, Ilaahay waxaan uga beryayaa Puntland in Ninkii Badbaadin lahaa oo isbedel dhab ah keeni lahaa in Ilaahay Talada noogu dhiibo” ayuu sii raaciyay

Dr Saadiq Eenow wuxuu kula dardaarmay Bulshadda Reer Puntland inay Amniga iyo Wadajirka Puntland ilaaliyaan, Waxaana uu sheegay in puntland ay tahay Degaan loo hanweynyahay oo Qadiyadda ummada Soomaaliyeed ay ku xiran tahaya

Dr Saadiq Eenow Waxaa kaloo uu la dardaarmay Xildhibaanadda Reer Puntland ee soo dooran doona Madaxweynaha 5ta sanno ee Socoto, waxaana uu ku adkeeyay in Doortaan musharax Dadka iyo Dalka u Wanaagsan

” Sida muuqata ibisi Xoog leh ayaa Socda, Haddii ay rabaan Dal iyo Dad ay masuul ka noqdaan, oo sharaf ku maamulaan iyagay ku xirantahay, Waxaan ku adkaynayaa Xildhibaanada inay ninka Saxda ummada u doortaan” ayuu yiri

Puntland,Ugu dambayntii, Dr Saadiq Eenow Waxaa kaloo uu dardaaran u jeediyay musharaxa ku soo baxa Doorashada madaxtinimada Puntland uu muddo Saddex Bilood gudahood uu ku soo dhiso Maxkamadii Dastuuriga ah, Waxaa kaloo uu u soo jeediyay Madaxweynaha Imaan doona in 100 maalmood gudahood uu ku fasaxo Ururada Barnaamijka Dimoqraadiyada ee axsaabta Badan.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 8033

Latest Images

Trending Articles



Latest Images